Sida loo kala reebayo ururada hogaanka S/land ku tartamaya Iyo Habka ururku Xisbi ku noqon karo
1
2
Hargeysa (Harowo)- Shir Jaraaid oo ay maanta guddida diwaangelinta Ururadda siyaasadda ee Soomaliland ku qabteen Hargeysa ayay ku faah faahiyeen habka loo kala saarayo ururada tartamaya.
“Iyadoo ay ololaha doorshooyinka dawladaha hoose ay marayaan heerkii ugu danbeeyey,
Iyadoo guddida diwaan gelinta asxaabta iyo ururada siyaasadu ay hore u wada saxeexeen habraaca qodobka 6-aad ee xeerka No14
Iyada oo guddida diwaan gelintu ay u baxayso kor meer gobolada dalka ah
Waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2012 halkan idiinku soo gudbinaynaa
1-Habraaca qodobka 6-aad ee xeer No.14/2011 oo ka hadlaya habka loo kala reebayo asxaabta iyo ururada siyaasada, habkaas oo la wada saxeexay Eeg:lifaaqa qoraalka ee qodobka 6-aad ee xeer no.14/2011
2. In xisbiyada,ururada siyaasada iyo dadweynaha Somaliland ay ilaaliyaan nabad galyada dalka qof walibana uu gaarkiisa xil isku saaro
3. In xisbiyada iyo ururada siyaasada iyo taageerayaashoodu ay ilaaliyaan xeerarka dalka sida dastuurka qaranka,xeer No 20 iyo N0 14aad, iyo anshaxa suuban,dhaqanka wanaagsan iyo tartanka nadiifta ah.
Qodobka 6aad:Hanaanka Kala Reebista ururada iyo xisbiyada
Sida uu dhigayo qodobka 6aad ee xeerka nidaamku,ururada/asxaabtu waxay ku heshiiyeen in habka kala saarista loo raaco sidan:
Siyaasada xeerkan lagu abuuray ee uu ku fadhiyaa waa inuu gobolada dalka ku leeyahay xisbi/urur kastaa taageerayaal mug leh oo fadhiya boqolyada si ay noqdaan sadexda xisbi qaran ee soo baxa, oo ka wakiil ah dhamaan gobolada Somaliland
F.1-aad wuxuu leeyahay isagoo saldhigiiisu yahay boqolayda sadex xisbi ee gaadha lixda gobol 20% ayey guddidu u aqoonsanaysaa xisbi qaran,lana siinayaa shahaado xisbi qaran.
F.2aad-hadii hal xisbi/urur uu gaadho 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa xisbi qaran isaga iyo labada xisbi/urur ee ku xiga kala saraynta isku gaynta boqolayda gobol kasta gaarkiisa.
F.3aad-hadii ay is leekaadaan laba xisbi/urur ama ka badan isu gaynta kala saraynta boqolayda gobol kasta gaarkiisa waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala badan yihiin codadka guud ee dalka.
F4aad- hadii ururada/xisbiyada siyaasada midna gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran sadexda xisbi/urur ee ugu tirada badan kala saraynta codadka boqolayada gobol kasta gaarkiisa.
Qodobka 10aad: Isticmaalida Boqolayda
Hanaanka kala saraynta ururada/asxaabta laguma isticmaali karo isku darka boqolayda(adding percentage), waxaana reeban in qaab xisaabeedka kala saraynta lagu saleeyo isku darka guud eee boqolayda gobolada dalka
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment