Waxa kale oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta guriga martida Burco........
Hargeysa (GNS) -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa maanta u kicitimay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray jidad laga dhisay magaalada Burco gudaheeda oo ay fulisay dawladda Hoose ee magaaladda Burco.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismaha dugsiga farsamadda gacanta ee Burco.
Waxa kale oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta guriga martida Burco isla markaana waxa uu dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo gurigaasi.
Madaxweynaha waxa socdaalkan ku weheliya Marwadda Koowaad ee Somaliland Aamina Shee Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud, Waxbarashadda, warshadaha, Wasiir Ku xigeenadda wasaaradaha warfaafinta iyo caafimaadka.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siillaanyo ayaa la filayaa inuu safarkiisa ku gaadho Gobolada kale ee Bariga Somaliland , inkasta oo aan war sugan laga haynin, balse safarkan ayaa lala xidhiidhinayaa olole Kulmaysan oo ku aadan ololaha doorashada deegaanka.
Gabiley News Desk
Burco
No comments:
Post a Comment