10 November, 2012

"Guddidu Waxay Yidhaahdeen Waxa Jira Masuuliyiin Ku Milmay Xisbi, Xeerka Shaqaalaha Dawladdu Aniga Oo Kale Ima Qabanayo"

"Guddidu Waxay Yidhaahdeen Waxa Jira Masuuliyiin Ku Milmay Xisbi, Xeerka Shaqaalaha Dawladdu Aniga Oo Kale Ima Qabanayo"
Agaasimaha Maamulka ee Komishanka la dagaalanka ADIS-ka Cabdikariim Xinif oo maanta Shir jaraa'id ku qabtay Hotel Xarafa ee..............

Hargeysa (GNS) - Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Komishanka la dagaalanka ADIS-ka Somaliland ee SOLNAC Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa ka hadlay digniin ay u jeediyeen Guddida Anshaxa iyo habsaami u socodka Doorashooyinka, kuwaas oo ku eedeeyey inuu Hantidda Qaranka ugu ololeeyey Xisbiga taladda haya ee Kulmiye. 

Agaasimaha Maamulka ee Komishanka la dagaalanka ADIS-ka Cabdikariim Xinif oo maanta Shir jaraa'id ku qabtay Hotel Xarafa ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in aanu jiri sabab loogu diido inuu ka qayb-qaato Ololaha Doorashadda, maadaama oo sharcigu dalka u yaalaa u fasaxayo Xisbiga uu ka tirsan-yahay ee Kulmiye. 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Guddidu waxay yidhaahdeen waxa jira masuuliyiin dawladda ah oo ku milmay xisbi, anigu maan fahmin arintaasi dee masuuliyiintu xisbi bay ka mid yihiin, waana waajib saaran inay xisbigooda u ololeeyaan, kuwa ololaynayaa waa kuwee inay taasi kala cadeeyaan, waxaanay ahayd inay yidhaahdaan shaqaale dawladdeed oo taasi aniga u odhanaya”. 

Agaasimaha oo hadalkiisa siin wata, waxa uu yidhi “Xeerka shaqaalaha dawladdu aniga oo kale ima qabanayo, marka laga hadlayo shaqaale dawladeedna ilaa madaxweynuhu waa shaqaale dawladdeed, laakiin waxa jira wax lagu kala saaro oo ah darajooyin ay shaqaaluhu leeyihiin, taasi oo lagu siiyo guno marka ay hawl gabaan" 


Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Komishanka la dagaalanka ADIS-ka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Anaga oo kale masuuliyiin markaanu nahay waxa la diiday in lanaga jaro 1% oo shaqaalaha laga jaro, lana siiyo marka ay hawl gab noqdaan, markaa aan anigu maanta ka tago halka aan hayo ma yeelanayo lacagtii gunada ee hawl gabka marka uu qofku meesha ka tago la siinayey”. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: