09 October, 2012

Xisaabiyihii Gobolka Saaxil Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday Markii Uu Ka Noqday Aaskii Marxuum Gaarriye

Xisaabiyihii Gobolka Saaxil Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday Markii Uu Ka Noqday Aaskii Marxuum Gaarriye

Berbera, October 8, 2012 (Halbeeg) – Alle ha u naxariistee xisaabiyihii guud ee gobolka Saaxil Cumar Barkhad Daahir, ayaa Maanta ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka Tuulada Xamaas ee jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Marxuumka Geeriyooday ayaa waxa uu sababsaday shil gaadhi oo uu ku galay duleedka Tuulada Xamaas, isaga oo ku sii jiiday dhanka Magaaladda Berbera, ka dib markii uu maanta ka qayb-galay aaskii Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo uu ka soo raacay Berbera.

Sidoo kale shilka gaadhiga uu ku dhintay Marxuumku ayaa waxa la saarnaa nin dhalinyar ah oo ka mid ah Staff-kiisa, kaas oo Alle ha u naxariistee isaguna ku dhintey Shilkaas ka dhacay Hargeysa iyo Berbera.

Halbeegnews, Berbera



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: