10 October, 2012

SL.Oo Noqotay Dalka Keliya Ee Bariga Afrika Kaga Jira Liiska Dalalka Qaaradda Afrika Ee Ugu Fiican

SL.Oo Noqotay Dalka Keliya Ee Bariga Afrika Kaga Jira Liiska Dalalka Qaaradda Afrika Ee Ugu Fiican

Somaliland Oo Noqotay Dalka Keliya Ee Bariga Afrika Kaga Jira Liiska Dalalka Qaaradda Afrika Ee Ugu Fiican Dhinaca Dimuqraadiyada



Hargeysa (Geeska)-Afrika waxa ay si tartiib ah u soo beddelaysaa sawirkeedii ahaa in ay hoy u tahay keli-taliyeyaasha, ragga awoodda badan iyo qab-qablayaasha dagaalka, dimuqraadiyadda ayaa hadda bilowday in ay ku dhex abqaalanto, laakiin su’aashu waxa ay tahay dalalkee ayaa dimuqraaddi ah iyo sidee ay dimuqraadiyaddoodu u socotaa?

Waxaa sidan loo bilaabay warbixin dhowaan la faafiyey oo xogteeda laga soo ururiyey wargeyska The economist oo ka soo baxa dalka Ingiriiska, daraasado uu sameeyey ururka Freedom House oo ay xaruntiisu tahay Maraykanka iyo ururka Mo Ibraahim oo ah maalqabeen u dhashay dalka Sudan, qaybtiisa qiimaynta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga Afrika, waxaana si gaar ah loo soo xulay 12 dal oo Afrikaan ah oo ah kuwo leh dimuqraadiyad soo koraysa ama buuxda. Dalalkaas oo marka is kale loo dhigo ah kuwa heer uun ka gaadhay hannaanka ku dhisan xisbiyada badan, dhowrista xuquuqda aadamaha, madax bannaanida garsoorka iyo warbaahinta xorta ah.

Dalalkaas tiradoodu 10 ka tahay ee ay warbixintani u soo xushay in ay yihiin kuwa Afrika hal-doorka u noqon kara dhinaca dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga waxaa ka mid ah Somaliland oo ay warbixintu sidan u dhigtay, “Waxaa suurtogal ah in cidhifkan woqooyi ee Soomaaliya aanad ka helin khariidad kasta, maadaama oo aanay dunidu u aqoonsanayn dal. Laakiin tan iyo sannadkii 1991-kii gobolkani waxa uu ku dhawaaqay madax bannaanidiisa waxa aanu maamushaa dawladdiisa u gaarka ah. Bilowgii waxa ay ku dhisnayd hab qabiil iyo jufooyin ah, sannadkii 2002-da oo ay qabsatay doorashooyinkeedii ugu horreeyey ayaanay u guurtay hannaanka xisbiyada badan.

Dastuurka dalku waxa uu ogol yahay saddex xisbi oo keliya, si loo ilaaliyo midnimada, xisbiyaduna ma noqon karaan kuwo ku dhisan hab qabiil ama diimeed, in kasta oo ay dadku dhammaan ku abtirsadaan arrimahaas”

In kasta oo aan warbixintan lagu sheegin muhiimadda ay leedahay kala horraynta lambarrada ay u samaysay dalalka ay soo xushay, haddana waxaa xusid mudan in Somaliland ay ka tahay labarka lixaad oo ay ka horrayso dalal badan oo guun ah. warbixintan oo ka sii warramaysa dimuqraadiyadda Somaliland waxaa lagu yidhi, “Somaliland waxa ay ku guulaysatay in ay dimuqraadiyaddeeda ku hayso jidka hour-socoshada, in kasta oo ay jiraan waxoogaa dib u dhacyo ku yimi doorashooyinku, haddana weli ma’ay dhicin in madaxweyne laga guulaystay uu diido inuu xilka wareejiyo”

Dalalka kale ee ay warbixintani u soo xushay in ay yihiin kuwo haya jidka dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah dalalka Namibia ee koonfurta Afrika dhaca oo xornimadiisa dalka ay deriska noqdeen ee Koonfur Afrika ka qaatay sannadkii 1990-kii, in kasta oo uu muddadaa xisbi keli ahi dalkan ka talinayey haddana waxaa muddadaa 22 ka sano ah si is daba joog ah uga dhacayey doorashooyin xor ah. Jasiiradaha Mauritius oo dhaca koonfurta bari ee qaaradda Afrika, in kasta oo ay xornimadeeda oo buuxda Ingiriiska ka qaatay sannadkii 1992-kii haddana waxaa la aaminsan yahay in uu yahay dal dimuqraadiyad dhamaystiran ku dhaqma, waxaa kale oo ka mid ah dalalka Ghana, Botswana, Zambia, Seychelles, Cape Verde, Senegal iyo dalka São Tomé and Príncipe oo ah kan labaad ee ugu yar Afrika.

Waxaa xusid mudan in Somaliland ay tahay dalka keliya ee ay warbixintani ka dooratay gobolka Bariga Afrika, kaas oo si gaar ah u muujinaya heerka ay Somaliland ka joogto dawlad wanaagga iyo hannaanka isu-dhiib-dhiibka talada dalka oo lagu imanaya cod dadweyne.



Source Geeska




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: