07 October, 2012

Mashruuc Kaluumaysi Oo Khubaro Danish Ahi Ka Hirgalinayso Xeebta Somaliland.

Mashruuc Kaluumaysi Oo Khubaro Danish Ahi Ka Hirgalinayso Xeebta Somaliland. 

Waxa Dhawaan lagu yagleelay Magaalada Copenhagen oo ah dalka Denmark Urur cusub oo la yidhaahdoSomali Fair Fishing, Ururka oo ah mid loogu talagalay in lagu Casiriyeeyo Kaluumaysiga Xeebaha Somaliland ayaa waxa ku bahoobay Khubaro Danish ah oo ku xeel-dheer arimha Kaluumaysiga.
Qoraal ka soo baxay Ururka ayaa lagu qeexay in Xeebaha Somaliland ay ka mid yihiin meelaha dunida laga helo Kaluunka ugu tayada wanaagsan uguna tirada badan, sidaa awgeed waxa muhiim noqotay in laga faa'idaysto khayraadka badda ee laga helo Xeebahaa Somaliland loogana faa'deeyo dadka ku dhaqn Geeska Afrika.

Ururka Somali Fishing waxa uu si dhakhso u bilaabayaa Mashruuc kaluumiyaysi oo uu ugu magac dara The Hanstholm model1, Muddo 2 sano oo ka bilaabmaya badhtamaha 2013-ka ayaa waxa lagu hawlgalinayaa 15 Doonyood oo noqon doona kuwa lagu soo jilaabo Kaluunka iyo 75 qof oo la siin doon tababaro kaluumaysi oo casri ah, waxa la rajaynayaa in la soo qabto 400 oo ton oo kaluun ah. Xudunta Mashruuco waxa ay noqon doontaa Magaalada Berbera, dhamaan shaqaalaha kaluumaysigu iyo Mulkiilayaasha Doonyuhuba waxa noqon doonaa Muwaadiinta xeebaha Somaliland ku dhaqn.

Dhaqaalaha ku baxayaa Mashruuca waxa iska-kaashanaaya Ha'yadaha Mucaawinada bixIya kuwaas oo ka soo kala jeeda Denmark iyo Maraykan ilaa iyo iminka Miisaaniyada Ururku waxa ay cagacagaynaysaa USD 1.353.000. Gudoomiyaha Ururka oo layidhaahdo Knud Vilby iyo ku-xigeenkiisa Mahad farah Aden oo ah Somalilander ku sita Auditing-ka Shahaadada Phd ayaa ku niyadsan in Ururkani uu hirgalin doono Mashaariic dalka (Somaliland) iyo Dadkiisaba Faa'iido ka heli doonaan. Mr. Mahad Farah Aden waa senior Auditor ka shaqeeya (Danish National Bank) oo ku yaala copenhagen Denmark.








Mahad Farah Aden is an auditor in The Danish National Bank and a somali civilsociety activist focusing on Somali community andcapacity building in Denmarkand Somaliland (an independent territory in Northern Somalia, aspiring tonational recognition). Afterfinishing his MSc in Business Economics and Auditing,Mahad worked as Senior Associate at PriceWaterhouseCoopers andSeniorAssociate at Ankjær-Jensen in Copenhagen. In 2011 he was recruited toThe Danish National Bank and has presently the position ofsenior auditor. Hiscivil society work focus on social activities, cultural events, and developmentprojects ranging from Denmark toSomaliland. He is particularly interested inprojects which organize Somali diasporic resources for development inSomaliland. Since 2010he has been member of the advisory board in The DRCDiaspora Fund In 2010 he became board member of PeaceWare-Somaliland,aSomali-Danish NGO that works to establish The Somaliland Telemedical Systemfor Psychiatry Since 2011 he has been vice-chair ofSomali Fair Fishing , ASomali-Danish NGO that works the develop fishing industries in The Horn ofAfrica. Mahad has an extensiveDanish and international network in the Somalidiaspora and among Somaliland policymakers.


Wixii Faahfaahina ee kale ka daalaco.www.fairfishing.org


By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.

No comments: