17 October, 2012

Maayarka Caasimadda Oo Dib U Celiyay $ 336,000 Doolar Oo Uu Ka Qaaday Ganacsato

Maayarka Caasimadda Oo Dib U Celiyay $ 336,000 Doolar Oo Uu Ka Qaaday Ganacsato Suuq Looga Dhisayey Barxadda Guriga Xisbiga Hargeysa Iyo Xayiraadii Madaxwayne Siilaanyo Oo Dhaawacday Milgaha Iyo Sharciyada S/Land

Hargeysa, October 16, 2012 (Halbeegnews) – Maayarka Caasimadda dalka ee Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa maanta lacagahoodii u wada celiyey Ganacsatada suuqa Gobanimo oo dhawaan uu lacago kaga qaaday inuu dhismayaal uga dhisi doonto dawladda hoose barxada hore ee dhismaha xisbiga Magaaladda Hargeysa.

Talaabadan uu Maayarku qaaday ayuu kaga jawaabayey Wareegtadii uu Madaxwayne Siilaanyo soo saaray dhawaan uu ku joojiyey in wax dhisme ah laga hirgaliyo halkaas, taas oo ahayd mid sharciga iyo Milgaha dawladnimo baalmarsan, isla markaana shaki badan galisay wada shaqaynta dawladda dhexe iyo dawladda hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale Ganacsatadan oo Maayarka Hargeysa mid walba ka qaaday lacag dhan $ 2100 doolar, iyadda oo tiradoodu ahayd 160 ganacsade, ayaa Maayar Xuseen Maxamuud Jiciir maanta dib ugu celiyay lacagtoodii oo marka la isku geeyo dhamayd 3,36000 oo doolar, taasi oo la doonayey in dhismayaal loogaga yagleeyo barxada koonfureed ee dhismaha xisbiga Hargeysa.

Dadka lacagta laga qaaday oo Maayarka lacagta ugu dhiibay inuu u dhiso meelo ay ku ganacsadaan, ayaa shalay ilaa maanta ku xoonsanaa xarunta dawlada hoose ee Hargeysa, balse saaka ayaa Maayar Jiciir qof walba u saxeexay jeeg uu lacagtiisii kaga qaato xisaab (account) Dahabshiil ah oo Maayarku lacagta dhigay, taasi oo ay ka mahad-sheegteen ganacsatadu.

Dib u celinta lacagtan ayaa jidka u furtay in maayarku isku fasaxo ganacsatada iyo dawlada dhexe, taasi oo keeni karta in ganacsatadu dalbadaan in suuq loo sameeyo.

Hargeisa: Halbeegnews Office http://samotalis.blogspot.com/

No comments: