22 October, 2012

Hargaysa: Magaalo u baahan Dugsi Fikir

Hargaysa: Magaalo u baahan Dugsi Fikir
 Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Guushu sida ay macaansi iyo dhadhansi u leedahay ayay guuldaraduna marka qadhaadhka hore laga gudbo u yeelataa dhadhansi iyo macaansi. Xaalladan danbe ee khatarta ahi waxay bilaabantaa marka qofku guul-daradiisa dusha ka saaro dadka kale, ee uu naftiisa bari ka yeello. Halkani waa heerarka ugu hooseeya ee ilma aaddan gaadhaan, waxa ka hooseeya malahayga dhimashada. Haddaba, naftan taagta darani awood uma laha iska caabinta dhirbaaxooyinka dabiicadda ama dadka, sidaa darteed waxay ciirsataa cadho iyo cabudh. Ku go’aan qaadashada labadana waxa ka soo baxa ciil iyo cuqdad. Ciilkan iyo cuqdadanna waxay meesha ka saaraan geesinimadii caqliyeed ee aad u lahaan lahayd afkaarta cusub ee adduunka ku soo kordhaysa inaad qaabisho.



Haddaba, waxaan dhawaan fasax ku tagay dalkii. Fasaxaasi tabnaan(-) iyo tognaan(+)labadaba waa lahaa. Tabnaantiisa waxa ka mid ahayd inaan ku koobnaado Hargaysa iyo hareeraheeda, duruufo ardaynimo iyo caajis aan isaga dhashay labadaba. Tognaantiisana waxa ka mid ahayd inaan qaybaha kala duwan ee bulshada; qalin-yahan, qabiil-yahan, qaad-yahan, qurbe-yahan, urur-yahan, firqo-yahan, gaajo-yahan, dhereg-yahan, jaahil-yahan la falgalo, la sheekaysto, la kaftamo, mararna quusaba illaa ubucda dareenkooda, anniga oo u muraad leh inaan ogaado heer fikirkooda, adduun arragooda iyo himilo mustaq-baleedkooda. Arrintani ma adka marka aad Hargaysa, siiba badhtamaha suuqa, maqaaxida Bangiga dhexe ku hortaalla ee “Dulcad” shaaheeda shiillan kula fuudayso dadwaynaha nooc walba leh ee halkaa isugu yimid, ama saarran tahay Basaska u baxa daafaha magaalada, dhugmadaaduna cabaysan tahay. Waayo? dadku saraaxad ay isaga dhasheen waxa u lamaaneeyay xoriyad hadal oo aan xuduud lahayn.

Haddaba, u kuur-galkaas ka dib, waxaan arkay dad lagu beeray dareen cabsiyeed, murugeed, war-wareed oo ku aaddan adduunka iyo aakhiraba. Haa, addduunka oo koonfurta Soomaaliya ugu horayso, Itoobiya ugu dhaxayso, reer galbeedna ugu danbeeyo. Dareenadan waxa ku beeray siyaasi dan leh iyo wadaad duunyo raba. Waxaanay dadka gayaysiiyeen go’doon nafsadeed,caadifadeed iyo firaaq badan oo nololeed. Sidaa darteed qof waliba wuxuu dareemayaa in la beegsanayo oo aannu haysan cid ka xijaabta sharka. Tani waxay dadka u fududaysay inay isku mashquulaann (keeb la yuurur ahaadaan), kana mashquulaan daboolidda baahiyaha aasaasiga u ah nolosha sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada. Tusaale ahaan, biyuhu marar dhawr cisho ayay maqnaanayaan, haddana cid sababta iyo sidii xal kama danbaysa looga gaadhi lahaa is waydiinaysa ma arkaysid. Waa la cabanayaa uun, cabashadaas qof waliba waa isku bari yeelayaa.

Halkan waxaad ka dareemaysaa in aragti dhaliyayaashii bulshadu meesha ka maqan yihiin. Oo tolow maxaa ka maqnaysiiyay? Aragtida dadka lagu abuuray ee ku aaddan fikirka. Oo maxay tahay aragtidaasi? Inaan caqliga iyo diintu meel wada mari karin, sidaa darteed dadku inay adduunyada ku silcaan ay ka wanaagsan tahay inay aakhiro ku saxariiraan. Oo aragtidan qaldan yaa ku abuuray? Wadaad arrinkiisu yahay: Baqali ma dhasho wax dhalana ma doonto. Oo tolow muxuu ugu abuuray? Ogaal la’aan badan oo adduunka, aqoonta iyo fikirka ka haysa.




Haddaba, waxa halkaa gawrac loogu jiiday awoodda dhabta ah ee illaahay addoomadiisa ku galaday oo ah Caqliga. Tanina waxay dhashay, baahi calooleed, cilmiyeed, caqiideed, cudureed oo bulshada ku habsaday, illaa haatanna haysta.

Haddaba, bal si aan u soo dhawayno arrinka waa maxay fikir? Waa shaqada caqligu qabto isaga oo ka duulaya wixii uu garanayay, kuna baadi goobaya wax aannu garanayn. Weli imaad fahmin, waa rog-roga iyo ruugidda arrin kula soo gudboonaatay iyo xal u raadinteeda. Weli si baad ii soo eegaysaa, waa u kuur galka dhibo ku haysta, sababtooda iyo sidii looga bixi lahaa dajinteeda.

Haddaba, warcelinahan waxaan ku dabaqi doonaa qormadeenna labaad, waxaanse ku waydiiyay: Hargaysi ma u baahan tahay Dugsi Fikir si ay u noqoto Hoyga fanka iyo fikirka Soomaaliyeed? Haddii aanay suurta gal ahayn ma u baahan tahay in xiisad fikir lagu daro Dugsiyadeeda? Ka horse ma loo helayaa macallimiin dhigta?

Alla Mahad leh.


Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email:Awliyo177@hotmail.com






http://samotalis.blogspot.com/

No comments: