09 September, 2012

X Cabdi Waraabe oo aroorta Jabuuti loo qaaday iyo Xukuumadda oo u soo kiraysay Diyaarad khaas ah



X Cabdi Waraabe oo aroorta Jabuuti loo qaaday iyo Xukuumadda oo u soo kiraysay Diyaarad khaas ah

Hargeysa(Waaheen) X Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtidda Somaliland isla markaana ah Odayaasha Ruug cadaaga ah ee Dhismaha Dawladnimada Somaliland saamynta xooga ah ku leh oo ay xaaladiisa Caafimaad aad u liidato ayaa la filayaa berry in loo qaado Dalka Jabuuti, si loogu soo daweeyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Daahir Cukuse ayaa Waaheen u xaqiijiyay qaaditaanka Xaajiga loo qaaday Cisbitaal dibadeed, waxaanu sheegay in ay Xukuumaddu iska xil saartay sidii ay Xaajiga Dhakhtar ugu diri lahayd

“ Haa, waa la qaadayaa Xaajiga waad la socoteen in maalmahanba xaaladiisa Caafimaad ay wax iska bedeleen, markaa Xukuumadda Somaliland waxay u soo kiraysay Diyaarad Charter ah aroortaana la qaadayaa oo Jabuuti oo la geynayaa Dhakhtar” ayuu yidhi

X Cabdi Xuseen waa Oday ku suntan Nabada, waxaanu hal hays u leeyahay markasta in uu ka istaago Nolosha dhinaca Nabadaynta, isagoo ka soo qayb qaatay kulamo badan oo lagu heshiisiinayo, iyadoo Xirfada Caaqilnimada kaga soo shaqeeyay arrintaasi, ilaa uu Heer Guurtinimo ku gaadhay.

X Cabdi Waraabe waxa lagu tiriyaa Da’ ahaan inuu yahay Ninka ugu weyn Somaliland, balse marka loo eego Caafimaad ahaan ilaahay u dhaafay wax badan oo ay aynigiisu ka gaabiyeen.

waaheen
Short URL: http://waaheen.com/?p=46538 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: