14 September, 2012

“Waxaan Soo Jeedinayaa In Distoorka Wax Laga Bedelo Oo La Dhamaystiro Xeerar Badan Oo Qabyo Ah”

“Waxaan Soo Jeedinayaa In Distoorka Wax Laga Bedelo Oo La Dhamaystiro Xeerar Badan Oo Qabyo Ah”
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay.........

Hargeysa (GNS) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa ka hadlay Xeerar uu sheegay inay qabyo yihiin oo ku jira Distoorka dalka, kuwaas oo uu soo jeediyey in wax ka badel lagu sameeyo. 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay dhaxleen dacwado badan oo aanay Garsoorayaashii ka horeeyay go’aan ka gaadhin, waxaanu tilmaamay inay ay ku guulaysteen. 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo Shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Qoraalkii xeerka Anshaxa waxa uu ku soo bixi doonaa Jaraa’idka, waxaa jirta arrin ay cabashadeedu taagnayd oo ay dadweynuhu ka cawdaan, taas oo ah gunada ay kaaliyaayasha Maxkamduhu qaataan ee ay ka qaataan dadka dacwadaha, taas oo aan hore u xadidnayn, xeer ayaa qeexayey gunadaas dacwadaha madaniga aha ee xaqul qalinka loo yaqaano, waxa ka reeban waxayaabaha aanu xadidinay inay dacwada Xukunada ama dadka Xukuman ay ka qaataan wax lacag ah, waxa kale oo aanu ka reebnayn qoraalada kal ee ka soo baxa maxkamadaha ee ay ka mid ka yihiin Baafimaha, in aanay waxba ka qaadan” 

Yuusuf Ismaaciil Cali Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay xadideen Lacagaha Garsoorayaashu ka qaadaan dacwadaha, waxaanu yidhi“ Waxaanu go’aansannay in la xadido lacagaha ay ka qaataan oo aanu ka dhignay inay dacwadaha ay daabacaan inay ka qaataan Toban kun (10’000) oo shilin halka bog ee waraaqda, taas oo aanu qiimayn ama baadhis ku samaynay oo aanu ogaanay inay dadka ku adag tahay oo ay xataa dadka qaar ka qaadaan Boqol Dollar($100), markaa dadka waxnaanu u sheegaynaa in aanay intaas in ka badan bixinin, waxaanu u sheegaynaa dadka inaanay bixinin wax aan xaq loogu lahayn, yaanaan maqlin boqol dollar ayaa laga qaaday, dadweynaha waxaanuu u sheegnay in aanay ku fidmaynin garsooryaasha iyo jeebkooda” 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali waa kale oo uu sheegay inay jiraan caqbaddo ka hor-taagan Gaadiika,isla-markaana ay xukuumadda hore ugu wargaliyeen, waxaanu yidhi “Waxaan kale oo jira caqabado na hortaagan oo ah dhinaca gaadiidka oo aanaan haysan wax gaadiid ah, waxaanu hore uga sheegnay Xukuumadda oo waanu ka sugaynaa, waayo Maxkamaddu waxay u baahantahay inay soo xaqiijiso meel kasta oo ay ka garnaqayso oo ah min Sanaag ilaa Saylac ah, waxa loo baahanyahay in la soo arko, taas oo u baahan gaadiid la adeegsado” 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Waxaanu ka dhaxalnay Garsoorayaashii hore dacwado aad u badan oo aanay Go’aan ka gaadhin, waxa halkan naloogu soo magacaabay Todoba Garsoore oo hadda lix ayuu-baanu kaga hawlgalnaa, mid-na mabaanaan arag oo waxaan filayaa inuu ka maarmay hawshan inuu nala galo, lixdayadii ayaa hawshaas waajahnay oo ay ka mid ahaayeen Kiisas kala duwan oo nooc walba leh oo ay ka mid ahaayeen lix kiis oo siyaasi ah, waanu ku guulaysanay ILAAHAY-na wuu nagu garabgalay, wixii noo hadhsana waanu wadaynaa” 

Waxa uu intaas ku daray Guddoomiyuhu “Waxaa arintas ka hadlaya Ditoorka Somaliland oo ah qodobka 106 oo qeexaya xidhiidhka Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda, waxaan idiin sheegayaa halkaas kuma qorna Wasaaradda Caddaaladda iyo Arimaha Garsoorka, waanan arkay Saxeexyo uu Wasiirku ku soo saxeexay sidaas, waana mushkiladii soo jiitami jirtay, qaranku waxa uu ka koobanyahay sadex waaxood oo kala ah, waaxda Garsoorka, waaxda fulinta iyo waaxda sharci-dejenta, intaas waxa Kulmiye Madaxweynaha oo madax u ah, markaa wada shaqayn ayaa naga dhexayn karta anaga oo kala madax bannaan, Waxaan leeyahay Wasiirku Ditoorka ha akhristo waxa uu farayo” 

Guudoomiyuhu waxa uu soo jeediyey in Distoorka wax laga badalo, isla-markaana la dhamaystiro Xeerar badan oo qabyo ah,waxaanu yidhi “ Waxaan soo jeedinayaa in Distoorka Somaliland wax laga bedelo, oo la dhamaystiro Xeear badan oo qabyo ah oo ku jira Distoorka, waxa ka mid ah Xeerkii Xuquuqda Garsoorka ee habayn lahaa, xeer ayaa habaynaya baa la yidhi arimaha garsoorka waana qabyo waxaanay u taalaa Golayaasha sharci dejinta, Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo, waxa ay Buugeedii Siyaasadda ku qartay in wax laga bedelo nidaamka garsoorka oo aan hayn mid madax banaan ayaa ku qoran” 


Gabiley News Desk 
Hargeysa 
Conactgabiley@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: