21 September, 2012

War Deg Deg Ah Inalilahi Wa Ina Ilayhi Rajacuun Mid Ka Mid Ah Tiirarkii Fanka Soomaalidu Ku Taagna Loona Yaqaanay Aabahii Fanka Faysal Cumar Mushteeg Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

War Deg Deg Ah Inalilahi Wa Ina Ilayhi Rajacuun Mid Ka Mid Ah Tiirarkii Fanka Soomaalidu Ku Taagna Loona Yaqaanay Aabahii Fanka Faysal Cumar Mushteeg Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Halbeegnews)– Inalilahi Wa Ina Ilayhi Rajacuun Mid ka mid ah tiirarkii uu ku taagna fanka iyo suugaanta afka Soomaaliga isla markaana lagu tiriyo inuu ahaa Aabahii quruxda iyo shacniga u yaallay falkiida iyo faafinta heesaha Soomaalida isla markaana ahaa maskaxdii dhistay, samaysay isla markaana unuktay heesahii caanka ahaa ee loo yaqaanay Subciska ee sannadahii 60-meeyadii iyo horaantii 70-naadkii soo shaac baxay Faysal Cumar Mushteeg ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, Faysal Cumar Mushteeg waa fanaankii ugu heesaha badna fanka iyo fanaaniinta Soomaaliga waxaana si weyn loogu xasuusta heesahiisa hees ka mid ahayd oo xikmadda ku jirtay uu ku qeexaayey lacagta iyo maalka Lacageey Dadka kala labeeyay

Geerida Marxuum Faysal Cumar Mushteeg ayaa taabatay fanaaniintii iyo hal abuurka Soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan, sida Halbeegnews caawa loo xaqiijiyey Marxuum Faysal Cumar Mushteeg ayaa shallay ahaan laga soo celiyey gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera isagoo xaaladiisa caafimaad laga dayriyey wakhti loo sii waday magaalada London.

Professor Alex Winder oo ka mid ah Jaamacada Oxford University qaybteeda dhaqanka ayaa ku tilmaamay Faysal Cumar Mushteeg inuu ka mid ahaa tobanka qof ee ugu caansan geyiga Soomaalidu degto oo dhan wuxuuna sheegay inuu raad weyn oo taariikh leh kaga tagay dadka afka Soomaaliga ku hadla.

Hoboladdii iyo fannaaniintii Waabari ayaa iyaguna hore mar ay ka sheekaynayeen Faysal Cumar Mushteeg ku tilmaamay inuu ahaa Shamac ifaya oo luuqadda iyo dhaqanka Soomaaliga wax badan ku soo biiriyey, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedana waxay u yaqaaneen inuu ahaa qof marka magaciisa la sheego aanu qofna ka dhaqaaqin halku taaganyahay ilaa uu Faysal Cumar Mushteeg gacan qaado.

Wuxuu laf dhabar u ahaa halgankii shacabka Somaliland la galleen keligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre ee ay xornimadooda dib usoo dhacsheen.

Ka sokow fanka iyo suugaanta Faysal Cumar Mushteeg wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah oo 80-naadkii ka hawl geli jiray shariikadaha ugu waaweyn ee dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya isagoo hantidii uu lahaa ku bixiyey halgankii ay shacabka Somaliland heeryada iskaga dul qaadeen.

Taariikh Nololeedka Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye Faysal Cumar Mushteeg waxaanu idiinku soo gudbin doona sida ugu dhakhsaha badanleh.

Haddii aanu nahay bahda Halbeegnews waxaanu tacsi u dirayna dhamaanba qoyska Ilma Cumar Mushteeg meel walba oo ay joogaan gaar ahaana Inanta uu adeerka u yahay ee Khadra Weedhi Cumar Mushteeg oo hadda ku nool dalka Holland, waxaanu sidani oo kale tacsi la mid ah u dirayna dhamaanba shucuubta afka soomaaliga ku hadasha iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Halyeyga Faysal Cumar Mushteeg waxaanu ilaahay uga beryayna inuu naxariistii janno fardawsa ka waraabiyo ehelkii, qarabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: