Md Buubaa Oo Difaacay Siyaasada Khaarajiga Ee Xukuumada Siilaanyo, Sharciyada Labada Xil Ee Gudd Cirro, Kana Hadlay Asbaabta Ay Kaga Haajireen UCID
“Anigu Muxaafid Xagjir Ah Ma Ihi, Qodobkaasina 20 Sano Ayuu Xanibaad Ku Ahaa S/Land, Labada Baasaaboor Ee Somalia Wax Ay Ku Kala Duwan Yihiin Ma Jiraan” Md Ibraahim Mahdi Buubaa
Hargeysa September 19, 2012 (Haatuf) – Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ka mid ah mudaneyaasha ururka Wadani ku biiray ayaa difaacay siyaasada khaarajiga ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo wada hadaladii dhexmaray Somaliland iyo maamulkii TFG- ee Somalia, kuna tilmaamay xeerkii mabnuucayay ka qaybgalka shirarka Somalia ee ay laaleen golayaasha sharci dajintu mid Somaliland caqabad ku ahaa muddo labaatan sano ah.
Md Buubaa waxa kale oo uu taageeray go’aanka ay golaha wasiiradu ay ku ogolaadeen in shacbiga reer Somaliland ay Xajka ugu dhoofaan Baasaaboorka Somalia, taas oo uu ku tilmaamay talaabo sax ah. Xildhibaan Buubaa waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in gudoomiyahooda golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu sifo sharciya oo waafaqsan distoorka iyo xeerarka doorashooyinka iyo Axsaabta uu ku hayo labada xil ee Baarlamaanka iyo ururka Wadani, isagoo dhinaca kalena sheegay in gooni isku taaga Somaliland uu yahay go’aan shacbi oo cid badali kartaa aanay jirin.
Md Buubaa waxa u sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu shalay Haatufku siiyay xarunta golahooda, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo soo jeediyay midnimo Somaliland iyo Somalia dhexmarta.
Ugu horayn Md Buubaa isaga oo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu ku bilaabay “Somaliland waaxay ku timid go’aan shacbi, maaha mid maanta siyaasi siduu doono u dhigi karayo, Baasaaboor la qaatayna aanu wax ka badali karin, awal horena Xajka waxaynu ugu bixi jirnay Baasaaboorkii hore ee Soomaaliya-dii burburtay, Imagarayshin-keenuna wuu jidiidin jiray, Baasaaboorkan hada la sheegayaana waxa uu kaga duwan yahay ma jiro, dawlada Sucuudiguna haday tidhi Basaaboorkaa mooyee mid kale laguma Xaji karo suurta gal maaha in ummada intaa leeg la yidhaahdo kuma Xaji karaan, waxay ahayd in Somaliland ay markiihore ka hawlgasho in Baasaaboorkaa hore lo daayo waxay ku kala duwan yihiin labaadaa Baasaaboor ee Somalia ma jirto”
Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkisa sii wataa waxa uu yidhi “Anigu ma difaacayo xukuumad waxaanse difaacayaa in bulshada aan loo xanibin Baasaaboor, maalinta Baasaaboorkeena la ictiraafo waa in go’aan laga gaadhaa, laakiin inta ka horaysa waa in shacbigu ku sii dhoofaa, xeerkan dabarka u ahaa ka qaybgalka wada hadalada Somalia ee la leeyahay xukuumada ayaa laashay anigu waxaan qabaa in sidii xeerkaasi loo laalay ay sax ahayd, qodobkaasi waxa uu Somaliland xanibaad ku ahaa 22 sano oo uu ka xanibayay Somaliland in fagaarayaasha caalamka ay kaga doodo gooni isku taageeda oo aynu diidanayn, markii qodobkaasi dabarka laga furay waa taa Somaliland u suurto galisay in beesha caalamku ay ku dhexdhexaadiso in Somalia aynu wada hadalno, waana talaabo horumar u ah siyaasadeena khaarajiga, maaha in la yidhaahdo Madaxweynihii Somaliaa ku dhawaaqay midnimo oo inagu qasbaya, arrinkaasi go’aan shacbi ayaa u yaala” Md Buubaa oo aanu waydiinay asbaabta keentay in isaga oo mucaarid muddo dheer soo ahaa inuu muxaafid xagjir ah muddadii xukuumada Kulmiye xilka ay haysay uu u xuubsiibto, waxa uu yidhi “Adigaa u haysta inaan muxaafid xagjir ah aan ahay, balse ma ihi muxaafid, waxaanse diidanahay in shacbiga laga horkeeno xukuumadii ay shalay doorteen, qaladaadka ay leedahay inaan tilmaamo waa waajib, balse inaan sheegno qaladaad aan jirin waa qalad”
Mar aanu waydiinay sida uu u arko eedaha gudoomiyahooda wakiilada Cabdiraxmaan Cirro labada mansab ee uu isku hayo, gudoomiyaha Ucid uga soo jeediyo inay sharci daro tahay, waxa uu yidhi “Gudoomiyahayaga wakiiladu sife sharciya ayuu ku hayaa xilka hogaanka golahayaga iyo Mansabka gudoomiyaha ururka wadani, sharciyad u diidaysa inuu labadaa xil isku hayana ma jirto. Distoorka, xeerka doorashooyinka, xeerka axsaabta ee xeer lr 14/2012 ayaanay ku jirin, nin siyaasad aad isku qabateen marka siyaasad laga hadlayo waxkasta wuu kugu weerarayaa, laakiin marka sharciyada laga hadlayo sharci gudoomiye Cirro u diidaya inuu golaha wakiilada iyo ururka wadani hogaamiyo ma jirto, ururka wadanina maaha mid Cabdiraxmaan Cirro kalidii leeyahay, balse wsaa mid shacbiga Somaliland u dhan yihiin oo ay wada samaysteen”
Md Buubaa oo la waydiiyay asbaabaha keenay in mudanayaashoodii Ucid laga soo doortay ay ka dareeraan xisbigoodii ururka wadanina ugu biireen, sababaha uu u kala doortay Faysal iyo Cirro, waxa uu yidhi “Faysal Cali waraabe wax colaada oo shakhsiya oo na dhex taalaa ma jirto, aragtida siyaasada waa lagu kala aragti duwanaan karaa ceebna maaha, go’aan lagaga wada tashaday in Ucid laga baxana muu jirine mudane kastaa mustaqbalkiisa siayasadeed ayuun buu qiimeeyay, siyaasaduna sideedaba laba qof oo waligood wada socday ayay kala kaxaysaa, laba iska soo horjeedayna way isku soo dhawaysaa, sidaa darteed aniga iyo Faysal Cali waraabe colaad shakhsiya oo naga dhaxaysaa ma jirtee aragtida siyaasada ayuun baanu ku kala duwanaanay, gudoomiye Cirra-na sife sharciya ayuu labadaa xil ku hayaa”
No comments:
Post a Comment