03 September, 2012

Magacyada 13 Musharax Oo Maanta Katanaasulay Musharaxnimadoodii Madaxtinomada Somalia+Magacyadoodii+Sawiro.

Magacyada 13 Musharax Oo Maanta Katanaasulay Musharaxnimadoodii Madaxtinomada Somalia+Magacyadoodii+Sawiro.
Musharixiintii maanta tanaasulay ayaa waxa ay dhamaan madasha ka sheegeen in ay bilaabeen wada aan horay loogu arag Soomaaliya.

Kulan maanta ay ku yeesheen Muqdiso 14 musharax oo u taagnaa qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkaan ayaa waxaa leeskula ogolaaday in 13 kamid ah musharixiintaasi ay u tanaasulaan musharaxa 14-naad oo ahaa Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil. 


Tanaasulka ayaa yimid kadib markii musharixiinta oo kubohoobay kudlada the national partnership for change ay isla ogolaadeen in ay iyagu isu codeeyaan ninkii ugu cod batana ay u ogolaadaan in uu u tartamo jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya iyada oo ugu danbeyntii uu codkii ugu 
badnaa uu helay Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil. 

Musharixiinta tanaasulay ayaa waxa ay kala yihiin: 


Gen. Maxamed Nuur Galaal 

Maxamad Maxamuud Guuleed. 

Ismaaciil Maxamed Hurreh Buubaa. 

Abdulqaadir Xaashi Cali (fish) 

Eng. Abdi raxmaan Moallim (sharaf) 

Hussein Khaliif Jaamac 

Yaasiin Ibraahim Ciise 

Prof Ahmed Muumin Warfaa 

Yaasiin Maahi Malim 

Mohamed Amiin Abdullahi 

Aasha Ahmed Abdalla. 

Mohamed Abdi rahmaan Nadiif. 

Iyo Abdi Rahmaan Xaaji Cabdulle. 

Musharixiintii maanta tanaasulay ayaa waxa ay dhamaan madasha ka sheegeen in ay bilaabeen wada aan horay loogu arag Soomaaliya gudeheeda in ay kadhacdo oo ah in rag iyagu musharixiin ahaa intey kulmaan ay isku raaceen in ay isu tanaasulaan. 


Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil ayaa markii lagu dhawaaqay in isagu doorashada madaxtinimoda dalka Soomaaliya uu uga qeyb gelayo the national partnership for change ayaa waxa uu sheegay in uu wax badan kabedelayo hadii uu ku guuleesto kurisiga uu u tartamayo ee 
saaxiibadii ay maanta uga tanaasuleen. 

No comments: