16 September, 2012

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb-galay Shir Lagaga Hadlayey Horumarinta Ganacsiga Waddanka

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb-galay Shir Lagaga Hadlayey Horumarinta Ganacsiga Waddanka
Wasiirka Ganacsigu waxa kale oo uu sheegay inuu barnaamijkani saamaynayo dhamaan noocyada....

Hargeysa (GNS) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay Shir ay yeesheen Baanka Adduunka iyo Ganacsatada Somailand, kaas oo lagaga hadlayey sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Waddanka. 

Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo furitaankii Shirkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Kulankan lagaga hadlayo kobcinta Dhaqaalaha ganacsatada Soamliland, isla-markaana la gaadhay wakhtigii waxqabadka oo uu dhamaaday xiligii daraasadaynta Mashaariicda oo ah mid soo diyaariyey Baanka Adduunku. 
DSC00547 
Wasiirka Ganacsigu waxa kale oo uu sheegay inuu barnaamijkani saamaynayo dhamaan noocyada ganacsatada oo ay qayb ka yihiin ganacsatada danyarta ah, halka sidoo kalena uu tibaaxay barnaamijyo kale oo ay wasaarad ahaan iska kaashanayaan wasaaradda Maaliyadda iyo Xeer ilaalinta guud ee qaranka. 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaas ka hadlay ayaa ka soo qayb galayaashii kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu u aragto barnaamijyada Baanka adduunku ka taageero Somaliland kuwo muhiim ah hadii ay tahay hawsha dekedda Berbera ama mashruucan ay ku kobcinayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay. 

Md. Saylici waxa uu sheegay in ummadda Somaliland ay hiddo u leedahay ganacsiga sidaas darteed mashruucan baanka adduunku uu dhiirrigelinayo in ganacsiga dalka uu si casriyaysan u socon doono. 
DSC00544 
Kulanka oo sidoo kale uu ka hadlay Isuduwaha Baanka adduunka ee Somaliland waxaa kaloo ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha Maaliyadda, kaluumaysiga, Deegaanka, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo wasiirul Dawlaha maaliyadda. 

Khalid Ibraahim Gabiley News Reporter 
Hargeysa Somaliland 
haashim555@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: