20 September, 2012

Jamaal Ma Yahay Musharaxa Madaweynaha Xisbiga UCID?

Jamaal Ma Yahay Musharaxa Madaweynaha Xisbiga UCID? 
 Sulub Adan 
 
Su'aashaa jawaabteeda, Jamaal iyo Faysal uun baa og! Timirse laf baa ku jirtee, su'aashaa jawaabteeda Faysal Cali Waraabe wuu ku raftay. Alif wax buu leeyahay iyo alif wax ma leh, labada Faysal waa laga hayaa. Xalkase waxaa laga sugayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka. 

Alif wax buu leeyahay, Faysal waa laga hayaa. Bishii July 12keedii, madal si fiican loogu soo agaasimay isbahaysi Xisbiga UCID iyo garabkii UDUB ee Jamaal Cali Xuseen ayuu Faysal Cali Waraabe kaga dhawaaqay in uu Jamaal Cali Xuseen yahay musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID (http://www.hctv.tv/?p=2108).
Ilaa maalintaas, waxa dadweynaha Somaliland isweydiinayeen: Musharaxnimada Jamaal, xeerka Xisbiga UCID ma waafaqsan tahay? Ogobay, Musharaxnimada Jamaal, Golaha Dhexe ee UCID lagagama doodin. Cidna jagada kulama tartamin. Shirweyne xisbi looma soo bandhigin. Looma codayn. Lamana ansixin. Waa heshiis xeer jujuub oo Faysal iyo Jamaal uun dhex maray!
Faysal alif wax ma lehna waa laga hayaa. Dorraad, waraysi wargeyska Geeska Afrika la yeeshay Faysal, wuxuu ku dooday in Jamaal ahayn musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID (http://geeska.net/2012/09/). Isagoo ka jawaabaya su'aal ahayd waxay ku kala duwan yihiin musharaxnimada Warancadde ee UDUB iyo ta Jamaal ee UCID, ayuu ku beeniyey musharaxnimadii Jamaal ee madasha lagaga dhawaaqay July 12keedii.
Wuxuu ku dooday inay sheekadu ahayd afgarad keliya oo labadooda ka dhexaysay. Afgaradkaas oo dhigaya, waa siduu Faysal ku doodaye, inuu hadda Jamaal musharax madaxweynaha u yaallo, mustaqbalkase noqon doono musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID. Wuxuuna intaas raaciyey, in afgaradkaas la waafajin doono xeerka Golaha Dhexe ee UCID, shirweyne xisbina lagu ansixin doono goorta ugu haboon.
Markaas su'aalaha Faysal Cali Waraabe hor yaal, waxa ka mid ah: Maxaa idaacadaha, wargeysyada, website-yada iyo Telefishanka looga shaaciyaa inuu Jamaal Cali Xuseen yahay musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID? Maxaa dadweynaha loo sirayaa? Muxuu Jamaal ugu awro kacsanayaa?
Haddaba, waxaa Guddida Doorashooyinka Qaranka la gudboon inay hubiso musharaxnimada madaxweynimo ee Jamaal. Waxaa la gudboon inay hubiso in musharaxnimadiisu waafaqsan tahay xeerka Xisbiga UCID iyo xeerka doorashooyinka qaranka. 

Waxa kala oo Guddida Doorashooyinka Qaranka ku waajib ah inay xaqqa sugto oo xeerka si isku mid ah ugu qaadaa UDUB iyo UCID. Ma aha in xeerka guddidu noqdo: La joojiyaana banaan, la jiifiyaana banaan! Ma aha inay Guddida UDUB u joojiso oo musharaxnimada Warancadde laashaa, UCIDna u jiifiso oo musharaxnimada Jamaal ogolaataa! 

Waxaa dadweynaha Somaliland Guddida Doorashooyinka Qaranka ka sugayaan inay xilkii loo igmaday gudataa. Waxay uga fadhiyaan Guddida in qoddobada heshiiska ama afgaradka Faysal iyo Jamaal dhex maray, siduu doono Faysal ha u dhigee, shaaca laga qaadaa oo la waafajiyaa xeerka xisbiyada iyo doorashooyinka qaranka Somaliland.


Sulub Adan

sulub.adan@yahoo.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: