18 September, 2012

Guddoomiyaha Guurtida oo cabiray aragtidiisa iyo mawqifka golihisu ka taagan yahay M/weynaha cusub ee Somalia


Guddoomiyaha Guurtida oo cabiray aragtidiisa iyo mawqifka golihisu ka taagan yahay M/weynaha cusub ee Somalia


Saleebaan Gaal oo ka hadlay aragtidiisa iyo mawqifka golihiisu ka taagan yahay M/weynaha cusub ee Somaliya

hadalay Hargeysa--Gudoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Adan (saleebaan Gaal) ayaa saaka maruu khudbad u jeedinaayey golaweynaha guurtida hambalyo soo dhaweyn ah u diray Madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu kaloo Saleebaan Gaal ka hadlay arimaha doorashada dawladaha hoose iyo shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay degaanka Xarshin ee Kililka Shanaad ee Itoobiya.

Gudoomiyaha golaha guurtidu wuxuu sheegay inay ka gole guurti ahaan si weyn u soo dhaweynayaan madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna saleebaan intaas ku daray in Somaliland mar walba danaynayso in Somaliya nabad waartaa ka dhalato.

Gudoomiayaha guurtidu wuxuu xildhibaanada golaha ka dalbay inay kaalin mugle ka qaataan sidii doorashada dawladaha hoose si nabadgelyo ah ugu qabsoomi lahayd.

Dhinaca kale wuxuu gudoomiyaha guurtidu sheegay inay gole ahaan diyaar u yihiin inay inta tamartooda ah ka qeyb qaataan dejinta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday degaanka Xarshin ee kililka Shanaad ee Itoobiya.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: