28 September, 2012

Dhacdo Naxdin le, Gabadh Soomaaliyeed Oo Gaadhi Jiidhsiisay Amaba Ku Dishay Gabadh Kale Oo Ay Walaalo Yihiin.

Dhacdo Naxdin le, Gabadh Soomaaliyeed Oo Gaadhi Jiidhsiisay Amaba Ku Dishay Gabadh Kale Oo Ay Walaalo Yihiin.
Fartun Cabdulle oo ahayd 17 sano jir ayaa waxaa la sheegay inay u dhimatey dhaawacyadii ka soo gaadhey baabuur ay wadatey gabadh walaasheed ka weyn ah oo lagu magacaabo Faa'sa Cabdulle oo 18 sano jir ah.

Gabiley.net
Dhacdo naxdin leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Toronto ee dalkaas Canada ka dib markii gabadh Soomaali ah ay jiidhsiisay oo ay ku dhufatey gabadh kale oo walaasheed ah baabuur ay wadatey arintaas oo keentay inay gabadhaas ay u dhimato dhaawacyadii ka soo gaarey shilkaas. 

Fartun Cabdulle oo ahayd gabadh 17 jir ah ayaa waxaa la sheegay inay u dhimatey dhaawacyadii ka soo gaadhey ka dib markii uu jiirey baabuur ay wadatey gabadh walaasheed ka weyn ah oo lagu magacaabo Faa'sa Cabdulle oo 18 sano jir ah, gabadhan dhimatey ayaa waxaa la sheegay inay ku socotey iyada saaxiibadeed wadada geeskeeda ama marshabiyeediga halkaa oo aan sabab aan la aqoon uu ugu tegay baabuurka ay wadatey walaasheed ka dibna intuu ku dhacay uu waliba sii jiitey taas oo keentay inuu gabadhaas uu halkaas ka soo gaaro dhaawac halis ah oo keentay inay ugu dhimato isbiaalka dhaawacyada soo gaadhey , Gabadhaan weyn ee geysatey shilkaas ayaa waxaa la sheegay markii uu falkaas dhacay inay naxday oo uu ku dhacay argagax iyadoona meesha la fariisatey oohin, qaar ka mid ah gabdhaha saaxiibadeed ayaa waxaa laga soo wariyey inay gabadhaan sheegtay inay rabtey inay biriiga qabato laakiin ay si kama aha u qabatay saliida baabuurka taas oo keentay inuu ka lumo koonroolkii baabuurka. 



Ugu danbeyntiiina iyadoo uubooliisku wali baadhaayo sida ay wax u dhaceen ayaa Hibaaq Geelle oo u hadashay qoyska waxay sheegtay inay gabdhahaas walaalaha ahaa ay walaalanimada ka sakoow ay ahaayeen kuwo saaxiibo ah oo aad iyo aad isu jecel isuguna dhawaa, Gabadhaan shilkaas sababatey oo ay booliisku xabsiga dhigeen ayaa waxay arintaan ku noqotey mid lama filaan ah iyadoona uu ka muuqday naxdin iyo argagax xilli ay booliiska u sharxaysay sida ay wax u dhaceen sida uu sheegay Kowneyn Xuseen oo ay qoskaas isku dhow yihiin, qoyska ay ka dhasheen gabadhahaan oo la sheegay inay ka koobnaayeen ilaa 9 caruur ah ayey alalah u naxariistee ay gabadhaas dhimatey ka mid ahayd caruurtaas, Soomaalida ku dhaqan halka ay qoyskaas degenaayeen ayaan u kala harin ka qeyb galka aaska gabadhaas oo lagu aasay qabuurha Beechwood ee magaaladaas maalintii isniinta ahayd ee aan ka soo gudubney.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: