19 September, 2012

Ciidamo Boolis Ah Oo Ka Socda Nayjeeriya Oo Muqdisho Ka Soo Degay


Ciidamo Boolis Ah Oo Ka Socda Nayjeeriya Oo Muqdisho Ka Soo Degay

Muqdisho, September 19, 2012 (W.Wararka) - Cutubkii labaad oo ah ciidamo boolis ah oo isugu jira rag iyo haween ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho, waxaaana ciidamadan ay ka socdaan Midowga Afrika ee ku hawlagala magaca AMISOM.
Ciidamadan Booliska ah ayaa ka soo jeeda dalka Nigeria iyaga oo maalmihii la soo dhaafey qalabka ciidanka Booliska, gawaadhida lagaga hortago rabshadaha ee qafilan, kuwa maxaabiista, iyo kuwa hubku ku rakiban yihiin kala soo dagayey dekadda magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo abxay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyey in cutubkii labaad oo Boolis AMISOM ah oo Nigeria ka socda yimid Muqdisho halka cutubkii hore uu ka socdey dalka Uganda. Nigeria ayaa horey waxaa uga joogey magaalada Muqdisho ciidamo saraskiil Boolis ah.
Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay sugi doonaan amniga goobaha laga xoreeyo al-Shabaab, sidoo kale waxay sugayaan amniga goobaha gaarka ah ee VIP-da.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: