22 August, 2012

WAR DEG DEG AH AFARTII QOF EE DHAWAAN LAGU AFDUBAY SOOL JOOGTA OO LA SII DAAYEY GOOR DHAWAYD

WAR DEG DEG AH AFARTII QOF EE DHAWAAN LAGU AFDUBAY SOOL JOOGTA OO LA SII DAAYEY GOOR DHAWAYD




Hargeysa (CNN)- Wararka hada naga soo gaadhay magalaada Buuhoodle ee xarunta gobolkaasi ayaa sheegay inay daqiiqado ka hor la sii daayey afartii qof ee dhawaan laga afduubay deegaanka Sool Joogta.
Qaar ka mida odayaash dhaqanka oo Caynabanews la hadlaayey ayaa sheegay inay jirto sii daynta afartaas qof ee la afduubtay dhawaan, waxaanay intaas ku dareen inay hada dib loo siiyey xoriyadoodii.

Wariye Nakruuma oo jooga magalaada Burco ayey madax dhaqameedku u xaqiijiyeen sidaas, waxaana la filayaa in dib loogu celiyo halkii markii hore laga so oafduubtay.

Waan waan iyo wada hadal dheer kadib, waxaa suurto gashay in la haystayaasha la sii daayo, waxaanay taasi muujinaysaa in laysla qaatay dib u soo celinta xoriyadooda


Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Caynabanews-Office




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: