05 August, 2012

SalaadiintaIyo Boqorada Ugu Facaweyn oo Muddeeyey Shir ay Kaga Arrinsan Doonaan Aayaha Dalka

SalaadiintaIyo Boqorada Ugu Facaweyn oo Muddeeyey Shir ay Kaga Arrinsan Doonaan Aayaha Dalka

Hargeysa,(YOOL)-Qabsoomida Shir ay gadh-wadeen ka yihiin Golaha Dhaqanka ee Boqorada iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah daboolka looga qaaday waqtiga uu munaasibka ku yahay isla markaana loo asteeyey kadib tobanka Shuwaal oo qiyaastii ku began 28th August 2012.

Shirka oo xubnaha qaban-qaabadiisa leh ay ka mid yihiin Boqoro iyo Salaadiin si weyn looga yaqaano Somaliland, kuwaasoo aynu ka xusi karno Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buurmadow), Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Suldaan Daakir iyo xubno kale oo tiro badan, ayaa sida Wargeyska Yool u sheegeen ilo Salaadiinta ku dhowdhaw waxa ujeeddada Shirku tahay mid looga gol leeyahay in xubnaha madax-dhaqameedku ay ku odorosaan guud ahaan Siyaasada dalka kuna faaqidaan duruufaha iyo marxaladaha ad-adag ee dalka ka jira iyo sidoo kale saameynta ay Somaliland ku yeelan karaan isbedelada Siyaasadeed ee ka socda Mandaqada, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.

Waxa kale oo wararku intaa ku dareen go’aanka lagu mudeeyey muddada qabsoomida Shirka lagu gaadhay kulan Xalay ka dhacay Hotelka Crown ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ay goob-joog ku ahaayeen dhamaan xubnihii Salaadiinta iyo Boqorada ahaa ee hindisihiisa lahaa, waxa kale oo iluhu sheegeen in la asteeyey in Shirku ku qabsoomo Caasimada dalka.

Lama oga suurtogalnimada qabsoomida shirka ee Magaalada Hargeysa maadaama Xukuumaddu hore u mamnuucay qabsoomida Shirarka beelaha, balse waxa iyana masalo kale ah suurtogalnimada dhinaca Xukuumadda ee ku aadan inay waqtigan qaabisho Madax-dhaqameed baaxadaa leh oo weliba badidoodu ay bulshada ku leeyihiin saameyno Siyaasadeed.



Yool




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: