08 August, 2012

Garaadka Guud Ee Deegaanka Buuhoodle Oo Ka Hadlay Socdaalka Waftigooda Uu Hogaaminayo Xagla-Toosiye Ay Xalay Hargeysa Ku Soo Galeen Iyo Hadalada Ka Soo Yeedhay Kooxda Khaatumo Seeg


Garaadka Guud Ee Deegaanka Buuhoodle Oo Ka Hadlay Socdaalka Waftigooda Uu Hogaaminayo Xagla-Toosiye Ay Xalay Hargeysa Ku Soo Galeen Iyo Hadalada Ka Soo Yeedhay Kooxda Khaatumo Seeg

Hargeysa, August 8, 2012 (Haatuf) – Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Aadan Colaad oo ah Garaadka guud ee deegaanka Buhoodle, oo ka mid ah Garaadada waaweyn ee beelaha Dhulabahnte ee ka mid ka ah waftiga uu hogaaminayo hogaamiyihi ururka SSC Saleebaan Xagla-toosiye ayaa sheegay in socdaalka waftigoodu ay xalay ku soo galeen Caasimada Hargeysa uu yahay safar nabadeed oo ay ku doonayaan sidii colaada ka aloosan jiiddaha buuhoodle nabadgalyo iyo wada hadal loogu soo afjari lahaa, waxaanu intaa ku daray in waftigooda beelaha deegaanka Buhoodle ka socda ee doraad soo gaadhay deegaanka Oog ay uga mahad naqayaan sida ay xukuumada Somaliland iyo shacbigu ay u soo dhaweeyeen.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo wargeyska Haatuf xalay ugu waramay khadka Telephone-ka ka dib markii waftigooda iyo xubnihii golaha wasiirada ee kulamada ay ku yeesheen labadii maalmood ee ugu dambeeyay Caynaba iyo Oog ay xalay Caasimada Hargeysa soo galeen. Kaas oo tilmaamay Garaadku in xubnahooda waftiga reer Buuhoodle oo tiradoodu ahayd dhawr iyo lixdan ay todoba xubnood ku yimaadeen Hargeysa, isla markaana ay xubnihii kale ee waftiga ku sugan yihiin deegaanka Caynabo.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo ujeedada socdaalka waftiga ka hadlayaana waxa uu yidhi “Run ahaantii waftigayaga deegaanka Buuhoodle ka soo kicitimay ee uu weheliyo Saleebaan Xagla toosiye ee aanu ku nimid Caasimada Hargeysa waxa uu la xidhiidhaa arrimaha nabadaynta, waana socdaal nabadeed, waftiga golaha wasiirada xukuumada Somaliland laba kulan ayaanu ku yeelanay deegaanka Oog iyo magaalada Caynaba, hase yeeshee markii hore qorshahayagu wuxuu ahaa inaanu kulanadaasi ka dib dib ugu laabano magaalada Buuhoodle, hase yeeshee markii ay noqotay inaanu Hargeysa isku soo raacno waxaanu go’aansanay inaanu todoba xubnood ku nimaadno Caasimada, xubnaha kale ee waftigana ay ku sugnaadaan deegaanada Oog, sidaa darteed waxaa naga go’an sidii nabadgalyo loogu soo afjari lahaa xaaladaha ka taagan deegaanada Buuhoodle”

Garaadka oo aanu waydiinay xubnaha madaxdhaqameedyada Buuhoodle ee waftigoodaasi ku weheliya iyo waxyaalaha uga qorshaysan in kulan ay la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu yidhi “Runtii waftigayagu waxa uu iskugu jiraa madaxdhaqameed, saraakiil, siyaasiyiin iyo waxgarad waxaana ka mid ah, Chief Caaqil Cabdillaahi Kooreeye, Jamaal Boqor Cabdillaahi Daba gooye iyo xubno kale, qorshahana way noogu jirtaa inaanu madaxweynaha AxmedMaxamed Maxamuud Siilaanyo kulan la yeelano muddada aanu ku suganahay Hargeysa” Garaadka mar aanu waydiinay hadalada ka soo yeedhay horjoogaha kooxda khaatumo seeg ee Indha sheel oo shalay warbaahinta ka sheegay inuu waftigooda ku tilmaamay inaanay matalin beelaha Buuhoodle, sida uu u arko ayaa waxa uu sheegay inay tahay hadal layska yidhi,waxaanu si kooban u yidhi “Cid waliba way iska tidhaahdaa anagaa Dhulbahante matala,balse waxaan kuu sheegayaa inwaftigayaga ay ka go’antahay sidii nabadgalyo ka islaaxda Buuhoodle loogu heli lahaa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: