20 August, 2012

FANAANADA SAADO CALI WARSAME OO KA MID NOQOTAY MAANTA BAARLAMAANKA CUSUB EE DAWALDA SOMALIA

FANAANADA SAADO CALI WARSAME OO KA MID NOQOTAY MAANTA BAARLAMAANKA CUSUB EE DAWALDA SOMALIA

Moqdisho(CNN)Fanaanada Saado Cali Warsame ayaa kamid noqotay Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban 275-ta Xildhibaan.


Fananada Saado Cali Warsame ayaa kamid ah xubnaha magacooda looga dhawaaqay Munaasabadii lagu dharainayay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, inkastoo ay xusid mudan tahay in Saado aysan goob joog aheyn kulanka dharainta balse kamid noqotay Baarlamaanka Cusub Magaceedana lagu dhawaaaqay.

Saado Cali Wrasame waxa ayna dhawaan 20-Sano kadib kusoo laabatay Soomaaliya ,inkastoo maalinkii ay timid dalka Shil gaari ku gashay Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Saado Cali ayaana sida qorshaah ahaa waxa ay kamid ahayd Xubnihii ansixinta Dastuurka inkastoo aysan u suurtoobin xiligaasna ay ku jirtay xaalad dhaawac ah.

Fananada Saado Cali Warsame ayaana kamid ah Xubnaha matalaya Baarlamanaka Deegaanka Beesha Dhulbahante,waxa asidoo kale Xubnaha Caanka Ee Deegankaas matalaya kamid ah Prof Cali Khaliig Galeyr oo horey usoo noqday Raizul Wasaaraha Soomaaliya

Siciid Mohamed Cabdi
Modisho Caynaba News

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: