17 July, 2012

Wasiirka Duulista Oo Shaaca Ka Qaaday In Dadka Ka Dhoofaya Madaarada Dalka Laga Qaadi-doono $10, Sheegay-na In Hawshaasi Ay Ku Wareejiyeen Shirkad Gaar Ah

Wasiirka Duulista Oo Shaaca Ka Qaaday In Dadka Ka Dhoofaya Madaarada Dalka Laga Qaadi-doono $10, Sheegay-na In Hawshaasi Ay Ku Wareejiyeen Shirkad Gaar Ah

Hargeysa, July 17, 2012 (Haatuf) - Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in qof kasta oo ka dhoofaya Madaarada Somaliland oo ay dadiisu ka weyn tahay 12 jir laga qaadi-doono $10, lacagtaasina ay qaban-doonto Shirkada Nasha ee ka hawlgasha Madaarada, isaga oo intaa ku daray, in hawshaasi ka madaxbanaan tahay Xukuumaddu, kuna wareejiyeen Shirkada Nasha ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta uga xog-waramayey kulan uu la yeeshay Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda, kaas oo Warbaahintu wax ka weydiisay waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo Cashuurta la sheegay inay ku soo rogeen dadka ka dhoofaya Madaarada dalka, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhin “Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda waanu is aragnay waanan is-xog waraysanay oo wada shaqayn baa naga dhaxaysa Goleyaasha sharic-dejinta, waxaanu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan Bulshada ka gooshta Madaarada Somaliland u cadaynayaa in aanay jirin wax Cashuur ah oo ay ku soo kordhisay ma jirto, Cashuurta sida loo kordhiyan waanu naqaanaa, waxaanu jeclnahay in aanu dadka culaysyada ka dulqaadno, waxa ka mid ahaa Nidaamkii Sarifka oo aanu wax ka badalnay Lacag aanu Dawlada ahaan kordhinay ma jirto, waxa kaliya ee soo kordhay waxa weeyi waa Adeeg amni (Sicurtey) oo ka madaxbanaan Wasaarada iyo Xukuumadda-ba shaqo aan anagu ku leenahayna ma jirto, Shirkada Nasha ee ka shaqaysa Madaarada oo Shandadaha Miisaankooda iyo qaadistooda-na haysa ayaa masuuliyadan ku darsatay waana adeeg madaxbanaan oo ay qabanayso, qaalabka Iskiriinad-na iyadaa ka masuula h, markii la isla eegay adeegaasi $10 ayuu adeegaasi noqonayaa, Qofkii dhoofaya ee ka weyn 12 jir-na waa laga qaadi-doonaa” http://samotalis.blogspot.com/

No comments: