13 July, 2012

Wasiir ku sheegay xafiisyada wasaaradiisa godad khamri lagu iibiyo


Wasiir ku sheegay xafiisyada wasaaradiisa godad khamri lagu iibiyo


Hargysa,-Wasiirka wasaarada ciyaaraha ,dhalinyarada iyo dhaqanka Somaliland Cali Saciid Raygal ayaa munaasibad ilyartu is qabtay oo uu soo agaasimey kana dhacday Hotel Maansoor shaaca ka qaadey in wasaarada ciyaaraha Somaliland ee uu wasiirka ka yahay aanay buuxin ama ku fashilantay kaalintii wasaarad ahaan laga filaayey.wuxuuna intaas raaciyey inuu ogaadey habacsanaan iyo galdaloolooyin badan oo wasaarada ka dhex muuqda.

Wasiirku wuxuu soo bandhigay dhawr su'aalood oo had iyo jeer la weydiiyo balse uu sheegay inuu jawaab u waayey, su'aalahaasna waxaa ugu mihiimsan siduu sheegay:-

-Maxaa hortaagan in garoomada kubada lagu ciyaaro la badiyo?

-Maxaa loo fulin waayey ama loo meel marinwaayey siyaasada dhalinyarada?

-Maxaa loo samayn la'yahay dhaqankii iyo fankii somaliland,xaggay ku danbeeyeen?

-Maxaa dhalinyarada somaliland loo qabtay intaad xukunka hayseen?

Dhinaca kale wasiirka ciyaarha iyo dhalinyarada Cali saciid raygal oo ka hadlaayey dhismaha ama xarunta wasaarada wuxuu sheegay in wasaaradu ku jirto dhismaha ugu foosha xun wasaaradaha dalka ,wuxuuna ku tilmaamay in dhismaha wasaaradu ku jirto iyo xafiisyadeeduba u eeg yihiin ama la moodo meel khamri lagu iibiyo, wuxuuna intaas ku daray in wasaarada xafiisyadeedu yihiin godad yaryar oo koobkooban oo aad moodo inaanayn xafiisyo wasaaradeedba ahayn.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: