07 July, 2012

WAR DEG DEG AH: SADDEX QOF AYAA KU DHINTAY SHIL BAABUUR OO KA DHACAY TUULADA DIINQAL

WAR DEG DEG AH: SADDEX QOF AYAA KU DHINTAY SHIL BAABUUR OO KA DHACAY TUULADA DIINQAL




Hargeysa (CNN)- inta la xaqiijiyey waxaa shilkaas gaadhi ku geeriyooday saddex qof oo laba ka mid ah dumar ahaayeen, halka afar qof oo kalena uu soo gaadhay dhaawac aan la xaqiijin heerkiisa.

Shilka baabuur ee ay dadkaasi ku geeriyooday ayaa ka dhacay tuulada Diinqale ee bariga magaalada Hargeysa, taas oo ah tuulo u dhaxaysa Berbera iyo Caasimada Somalilandee Hargeysa.

Dadweynaha tuulada Diinqal oo aanu qaar ka mida la xidhiidhnay ayaa sheegay in labada gaadhi ee isku dhacay ay ku kala soceen magaalada Hargeysa iyo Berbera, waxaana khasaaraha badani soo gaadhay gaadhiga dhanak Hargeysa u soo socday.

Dhaawaca ayaa la filayaa in la soo gaadhsiiyo dhankan iyo magaalada Hargeysa, gaar ahaan cisbitaalka magaalada.

Maaha markii ugu horaysay ee jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa uu ka dhaco shil baabuur oo noocan oo kale ahi, waxaase jiray inay ka dhaceen dhawr shirloo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay.

Dadka aanu la xidhiidhnay ayaa haba yaraatee aan noo xaqiijin magacaada saddexda qof ee geeriyooday, iyaga oo ku sifeeyey in aanay aqoon u lahayn dadka shilka galay.

Ibraaahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Caynabanews-Office

Qaasin05@hotmail.com





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: