08 July, 2012

WAR DEG DEG AH:- BOQOR CISMAAN AW MAXAMUUD BUURMADAW OO LA XUKUMAY

WAR DEG DEG AH:- BOQOR CISMAAN AW MAXAMUUD BUURMADAW OO LA XUKUMAY




Hargeysa (CNN)- Maxkmada Gobolka Maroodijeex ayaa daqiiqado ka hor boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw ku riday xukun.

Boqor Buurmadaw ayaa lagu riday xukun dhan hal sano, shida uu sheegay garsooraha qaaday dacwada Boqor Buurmadaw waxaa loo adeegsaday xeerka tirsigiisu yahay 156 ee sheegaya ciqaabta ay leedahay af-lagaadada loo gaysto masuuliyiinta qaranka.

Qareenada u dooday boqor Buurmadaw oo saxaafada kula hor hadlay maxkmada horteeda ayaa sheegay in xukunka lagu riday Boqor Buurmadaw aanu ahayn mid sharciya.

Boqor Buurmadaw oo haatan ku dhawaad 4 bilood xidhan ayaan loo ogolaan inuu ka hadlo warbaahinta, isla markaana aan qiran xukunka lagu fuliyey.



Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Caynabanews-Office




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: