09 July, 2012

Somaliland u malayn maayo inay uga daba fadhiisanayso aqoonsigeeda somalia:


Somaliland u malayn maayo inay uga daba fadhiisanayso aqoonsigeeda somalia: By: ”’Hoodo-qadan Abdullaahi Elmi”’. Boorama.

Waxaan salaan kal iyo laaba ku salaamayaa dhamaan war baahinta j/sland gaar ahaan ”golisnews.com” oo ah website ka mida website-yada aan aadka u xiiseeyo.
Intaa ka dib waxaan salaan balaadhan hawada u marinayaa dhamaan shacab waynaa reer somaliland meelkastoo ay ka joogan dunida.Waxaan kaloo halkan salaan diiran uga gudbinayaa dhamaan uufuuda metelaya shacabka reer somaliland ee uu hogaaminayo wasiirka arimaha debada ”Maxamed Abdullaahi Omar” waxaanan leeyahay shacabka ayaad metalaysaan ee waxaanu idinka rajaynaynaa inaad xilkaa ka soo bixi doontaan insha Allaah
Intaa ka dib waxaan u daadegi doonaa dulucda mawduucayga insha Allaah ilaa intii Illaahay iga garan siiyo
Sida ku dhigan ama ka muuqata cinwaanka maqaalkayga waxaan ka hadli doona ama wax ka yara taaban doona wada hadalka somaliland iyo somalia oo lagu wado inuu maalinta arbacada hadii Alle idmo ka dhaco magaalada londond ,taasoo ay isoo gaadhayaan warar iyo maqaalo odhanaya””” somaliland waxaa ay ku qasbantahay in laga wada hadlo arimaha somalia quseeya iyo sidii somalinimo loo soo celin lahaa iyana waxaa ay ka hadlayaan aqoonsi somalia aqoonsato walee kala dheer labadaasi ayay odhanayaan maqaaladaas iyo wararkaasiba””” !!!!!!!!!!!!! Hadaba waxaan taas ka leeyahay adeerayaal SOMALILAND somalia ka baryi mayso inay aqoonsato ugana daba fadhiisan mayso balse waxaad ogaatan oo hubaal ah in somaliland aanay maraba somalia ka mid noqon doonin insha Allaah yadoo mar walba arimaheeda la kaashanaysa Illaaha wayn ee koonkan iska leh somalia-na aanay waxay la soo hor fadhiisanaysaa ahayn sidii somalia la isugu noqon lahaa ee ay la tegayso qadiyadeeda iyo sidii ay arimaheeda u soo bandhigi lahayd ….sidaa daraadeed waxaan leeyahay ha kuhamiyina in SOMALILAND somalia ka mid noqoto ee ku hamiya sidii aad arimahiina iyo dalkiina uga fekeri lahaydeen Illaahayna ula kaashan lahaydeen dib u soo celinta aslaaxa dhexdiina intaa wakhti ku bixiya ayaan idin odhan lahaa igana ah talo walaaltinimo.
SOMALILAND run ahaantii waa ay idinka tashatay oo inay dib idiinku soo noqoto lagama yaabo ee fadlan farnaa naga qaada oo aan danahii laba wadan oo jaara ka dhaxayn jiray ka wada hadalo kana wada shaqayno waxaan kaloo ku dari lahaa intaad SOMALILAND baa naga mida toonka la taagantihiin meel gaadhi maysaan ee bal dib isugu noqda……..Ilmaadeerayaal bal aan su’aal idin waydiiyee????? Anigaygan maqaalkan qorayaa wax somalia la isiku yidhaahdo maan arag calanka buluuga ahina meel uu calan iyo yahay maan arag waxaan ku indho dilaacsaday yadoo calanka SOMALILAND ee sadexda midab iyo xidigta madoow ee dhexda kaga taal iyo TOWXIIDKa ku xardhan yadoo uu calan ii yahay markaa sidee la iiga dhaadhicin karaa calankaasi waa la tuurayaa oo somalia wax la yidhaahdo ayaa imin doonata????????? keligay maaha waa aniga iyo cidkastoo ila da’a ama cidkastoo aan u waynahay oo reer SOMALILAND ah ma kula tahay in nalaga dhaadhicin doona waxaas iyo wax la mida toona maya weeye jawaabtu xaasha……………Markaa saaxiibayaal malaha idinkoo afaarahayaga ka baxa oo wakhtigaad ku luminaysaan SOMALILAND baa naga mida inaad ku lumisaan arimo idin anfaca oo dib u dhis idiin horseedaya waa iga talo cidii qaadanaysa.
Waxaan ku soo geba-gebaynayaa Waan kala soconay oo dee dib isugu hungoobi maynee aan isu soo ducayno.
Shacabwaynaa reer SOMALILAND-na waxaan ka codsanayaa inaanay u dheg taagin hadalada la iska odhanayo ee ka soo yeedhaya madaxda somalia iyo qaar ka mida shacabkooda ee aan danaheena wadano iyo qadiyadeena oo ah mid had iyo jeer hal ku dhigeedu yahay ”lama taabtaan ,biyo kama dhibcaan ……”’ Illaahayna tala saarano oo adeecno insha Allaah Illaahayna waxaan ka baryahaa inuu ina hadeeyo ina hanuuniyo dhamaan muslimiintu meelkastoo ay joogana Illaahay khaatumada khayr ugu khatimo xaqana garan siiyo Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin ,



somalia-na waxaan u rajaynayaa aslaax deg-dega insha Allaah.
Waa billaahay tawfiiq…

Hoodo-qadan Abdullaahi Elmi
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: