14 July, 2012

Siyaasigii iyo dhaqtarkii ugu tunka weynaa ee soo doontay mayarnimada Hargeysa iyo xisbigee soo xula

Siyaasigii iyo dhaqtarkii ugu tunka weynaa ee soo doontay mayarnimada Hargeysa iyo xisbigee soo xula

Ilaa iyo inta la ogyahay ama warbaahinta kala duwan ee maxalliga ahi shaacinaysay xubnaha quudaraynaya inay u taratamaan golaha degaanka Hargeysa ayaa dhawaan la soo bad dhigay siyaasiga ama dhaqtartii ugu miisanka cuslaa ee soo doonta ama u soo istaaga doorashada xildhibaanada golaha degaanka ee Hargeysa siiba xilka maayarnimada caasimada.

Dr.Idiris Xaaji Nuur oo ah dhakhtar ruug cadaaya,kuna takhasusay cudurada guud ee caruurta "Peaditric Specialist" ,rug caafimaad oo gaar ahna ku leh magaalada Hargeysa ayaa loo fooladeeyay dhawaan xaflad balaadhan oo ku soo bandhigay rabitaankiisa iyo badheedhihiisa oo ah inuu damac ama hunguri ka hayo xilka maayarnimada caasimada goor horena uba diyaar garoobay tartankeeda.

Dr.Idiris oo ka qalin jebiyey Jaamacadii Somaliya (JUS) siiba kulliyadii caafimaadka ee Muqdisho ayaa shaqadiisii ugu horeysay ka bilaabey Banaadir Hospital sideetanaadkii,sidoo kale ayuu horaantii sagaashanadkii ku soo biiray Hargeisa Group Hospital,mar kalena wuxuu noqday ama qabtay xilka Agaasimaha cusbitaalka TB-da Hargeysa balse hadda wuxuu leeyahay rug caafimaad oo gaara .

Dhinaca kale Dr.Idiris wuxuu ka mid yahay koox dhaqaatiira oo ku bahoobay urur samafal maxalliya oo la yidhaado Tabantaabo oo si mutadawacnimo(bilaa lacaga) ahna todobaadkii laba cisho u booqda degaanada gobolka Saaxil halkaas oo aan lahayn cusbitaalo iyo rugo caafimaad oo dabooli kara baahida dadkaasi u qabaan dhakhaatiir goobahaas fadhiisata oo si joogta ah ula socda xanuunada dadka degaanadaas degani ka cabanayaan.

Isku soo wada duuboo inkastoo Dr.Idiris yahay dhaqtar haya hawlo caafimaad oo culculus oo markasta si mug leh loogu baahan yahay haddana xikmad dirqiday ah "Good Doctor can cure one person at one time but Good Leader Doctor can treat whole the nation at one time'' taas oo macnaheedu yahay ''dhaqtarka wanaagsan ama dhabta ahi halkii mar wuxuu daaweyn karaa hal qof,halka dhaqtarka siyaasiga ama hogaamiyaha wanaagsani ahi ummada hal mar wada daryeeli karo", tusaale ahaan hadduu Dr.Idiris noqdo maayarka magaalada Hargeysa oo xanuun degdeg ah laga shakiyo inuu ka dilaaco magaalada Hargeysa ilaahay inaguma keenee waxaa ku filan fariin caafimaad oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa oo uu hal mar inoo soo mariyo warbaahinta.Guntii iyo gebagebadii Dr.Idiris wuxuu noqday xubintii ama dhaqtarkii ugu tunka weynaa ee soo doonta xilka maayarnimada caasimada Hargeysa ee uu soo xulay xisbiga Kulmiye!


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: