Masuulkaan ayaa sheegay in dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ay dadaal dheer u agleen sidii ay u soo heli lahaayeen shaqaalahaasi;
shaqaalaha dhowaan laga afduubtay xeryaha qaxoontiga ee dhadhaab dalka kenya ayaa manta si qasab ah loga soo furtay kooxihii qafaashay sida anu warka ku helaayno Dagmada Dhoobleey ee dalka somaliya lagu soo qabtay dhibaanayaashasi oo ay tiradoodu dhantahay 4 qof, 4 taan qof ee u shaqaynayay hay’da gargaarka ee NRC ayaa la sheegay in iyaga oo bad qaba ay ku suganyihiin magaalada Dhoobleey ee xadka ay wadagaan somalia iyo kenya iyado xoog la gala soo wareegay kooxohii qafashay,
soo Furashada Shaqaalahaan Gargaarka ee la qafashay ayaa waxaa xaqiijiyay gudoomiya ku xigeenka ururka raaskambooni Mr Maxamed Ibrahim Maxamed oo sheegay in ciidamadooda ay soo furteen dadkaasi,
masuulkaan ayaa sheegay in dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ay dadaal dheer u agleen sidii ay u soo heli lahaayeen shaqaalahaasi haatana ay kasoo furteen dableydii afduubtay ee ahaystay,
Waxa uu sheegay in qaab awood ah ay usoo furteen dadkaasi islamarkaana howlgalkii lagu soo furtay uu ku dhintay mid ka mid ahaa raggii wax afduubtay, 4-dii qof ee afduubka ay u haysteena laga soo furtay iyaga oo bad qaba,
29-kii bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii rag hubaysan ay weerareen Gaadhi ay iska laheed hay’ada NRC halkaasi oo ay ku dileen darawalkii Gaadhigasi waday islamarkana ay afduubteen 4 ka mid ah shaqaalaha hay’adaasi kuwaasi oo iminka la helay,
Guushani laga soo hooyay howlgalkii lagu baadi goobayay shaqaalahani la afduubtay ayaa waxa ay ku suura gashay ka dib markii Militeriga Kenya,ciidamada dowlada KMG iyo kuwa raaskanbooni ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka ku yaala xuduuda uu dalka Kenya uu la wadaago somaaliya, taasi oo la odhan karo way u fududaysay in lagu guulaysto soo furashadaasi shaqaalahaasi.
No comments:
Post a Comment