07 July, 2012

Nuxurka weedhihii sagootiska ee Warancade,Saciid Sulub iyo Cirro iyo hana kala reeb iyo halay doorto


Nuxurka weedhihii sagootiska ee Warancade,Saciid Sulub iyo Cirro iyo hana kala reeb iyo halay doorto



Ceerigaabo,-Shirka Talo iyo Tawfiiq ee beesha Habaryoonis ee ka socda buurta Daallo ayaa maanta waxaa ka hadlay oo lagu maamusay badheedhahoodana ka dhiibtay siyaasiyiin miisaan ku leh beesha gudaheeda oo qaarkood sheegeen inay leeyihiin han iyo damac hogaamiyenimo ama madaxweynenimo. Siyaasiyiintaa ayaa qaarkood soo jeediyeen in madasha lagu kala reebo,halka kuwo kalana soo jeediyeen taas caksigeeda ama inaan madashan hadda la fadhiyo lagu kala reebin musharaxiinta damaca madaxweynenimo leh si looga baaqsado khalkhal,muran iyo xasarad aan hadda loo taag hayn oo shirka hadheysa ama raad ku reebta.

Wasiirkii hore ee duulista xukumadii Rayaale Cali Maxamed Warancade oo hadalka ku horeeyay ayaa si xirfadeysan madasha ugu soo dhextuuray inuu yahay musharax madaxweyne sidaas darteed madashan Daallo lagu kala reebo isaga iyo labada musharax ee Gaboose iyo Cabdiraxmaan Cirro inkastoo uu si dadban ugu duurxulay Cabdiraxmaan Cirro inaanu ahayn musharax rasmiya.

Yeelkeede weedhihii "na kala reeba" ee Waracade guux iyo xanshaashaq hoose ayey madasha ku soo kordhiyeen balse Saciid Sulub wasiirkii hore ee hawlaha guud oo ay isku xisbi iyo saaxiibo dhow yihiin ayaa ka dabakacay oo qolyihii guuxay dejiyey oo soo jeediyey inaan madashan musharaxiin lagu kala saarin,siyaasadna lagaga hadlin reerkana lagu kala kaxayn,wuxuuna Saciid Sulub u soo jeediyey sadexdooda musharax (Gaboose,Waracade iyo Cirro) inay caqli keenaan, oo meel isagu tagaan, oo midkood isku raacaan, oo kaa wada dhisaan,oo soo wada saaraan balse aanay beesha kala kaxayn.

Saciid Sulub wuxuu si farshaxnimo ah u sababeeyay duruufaha ama sababaha dhabta ah ee soo kicisay ee shirkan Daallo keentay tahay markii ay isaga iyo saaxiibadii dareemeen una muuqatey in xukumada Siilaanyo carqalad iyo qori dable la dhex wareegayso shirka Habaryoonis loogu baaqey, oo diidan tahay in Habaryoonis shirto, oo meel isagu timaado, oo danaheeda iyo masiirkeeda ka tashato, oo wax wada qabsato ayaanu u soo gurmanay Shirka Talo iyo Tawfiiq oo hawshii dhinacayaga ka galay, oo dadkii naxliga la dhex dhigayna isu soo jidjiidnay oo isku keenay allana nala garab galay oo beerkooda burcad isu mariyey oo waa taa maantaba la midaysan yahay ayuu yidhi Saciid Sulub.

Tu kale Saciid Sulub wuxuu ka codsadey shirka Talo iyo Tawfiiq inuu qaraar rasmiya ka soo saaro kolba kudlad ama afar cumaamadood (salaadiin) oo wasiir xukumadeed ama qolyo dan lahi warqad qoran u dhiibto oo tidhaahdo warbaahinta ka akhriyaaya oo shilimaad yar la siiyo waa in shirka uu ka soo baxaa qaraar lagu ciqaabo salaadiintii waxaas sameeya.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo isna madasaha si gaar ah maanta loogu maamusey inuu ka hadlo ayaa ugu horeynba ergada madasha shirka talo iyo tawfiiq kula dardaarmay inay iska ilaabaan mucaaridnimo balse noqdaan muxaafid rasmiya ,wuxuu kaloo carabka ku dhuftay in shirkii taariikhiga ahaa ee Habaryoonis ee Laanmulaxo kabihii lagu tolay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal gashadey isaguna codsanaayo in shirkan maanta Daallo kabaha lagu tolaayo loo illiyo oo lagu maamuso in musharaxnimadiisa lagu soo saaro ama lagu doorto.

No comments: