13 July, 2012

Nuxurka heshiiska rasmiga ee ay ku midoobeen Ucid Iyo Jamaal Cali Xuseen


Nuxurka heshiiska rasmiga ee ay ku midoobeen Ucid Iyo Jamaal Cali Xuseen 


Hargysa,-Waxaa maanta xisbiga UCID ku biiray Jamal Cali Xuseen iyo taageerayaashiisa oo ka soo baxay xisbiga UDUB oo garabka Axmed Yusuf Yasiin hogaamiyaa kal-hore u doorteen musharax madaxweynenimo balse guuldaraysatey, kelifayna in Jamaal Cali Xuseen maanta ku biiro xisbiga UCID.

Xisbiga UCID iyo Jamaal Cali Xuseen waxay ku midoobeen amaba ku heshiiyeen:-

-In gudoomiyaha xisbigu sidiisaba ahaado Faysal Cali Waraabe,musharaxa madaxweynenimo ee xisbigu hadduu ka soo gudbo doorashada dawladaha hoosena noqdo Jamaal Cali Xuseen.

-In tirada golaha dhexe ee xisbiga la balaaadhiyo oo laga dhigo 250 xubnood ,labada dhinaca ee Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena mid waliba qaato 100 xubnood, kontona kayd xisbiga loogu reebo.

-In Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe si siman u qaybsadaan xoghayayaasha xisbiga iyo gudi hoosaadyada xisbiga UCID

-In Jamaal Cali Xuseen keensado ama soo xusho ninka musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID noqonaaya

-In hogaanka xisbiga UCID sidiisii hore ahaado balse labada jago ee xogahayaha guud ee xisbiga iyo gudoomiye xigeenka sadexaad la siiyo in Jamaal Cali Xuseen keensado

-Labada dhinac Jamal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe waxay isla ogolaadeen in la qabto shirweynihii 4aad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID islamarkaana la qabto shirweyne xisbi si qaanuunka xisbiga loo waafajiyo xilalkan cusub iyo dhinacyadan isku biiray.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: