05 July, 2012

Mid ka mid ah dilalkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca Somaliland gudaheeda hadhcad

Mid ka mid ah dilalkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca Somaliland gudaheeda hadhcad

Warar iyo xogo rasmiya oo aanu ka helay Gobolka Awdal ayaa noo xaqiijiyey in nin waayeela oo da'diisa lagu qiyaasey lixdameeyo oo ka soo jeeda isla degaankaas uu dil toogasho ah ku khaarajiyey wiil uu dhalay oo wararku sheegeen inuu barre ka ahaa dugsiyada Boorama.

Aabahan toogtay wiilkiisa ayaa la sheegay inuu ku dhuftay sadex xabadood oo uu laba ka mid ah kala helay madaxa. Aabahan ayaa markuu hubsadey inuu khaarajiyey wiilkiisa u baxsadey degaanka Aw-barre oo ka tirsan kililka shanaad dalka Itoobiya halkaas oo la sheegay in isla shalayba ay ka soo qabteen eheladiisa iyo ciidamada booliiska Somaliland oo is-garabsanaya.

Mid ka mid ah ehelada Aabbaha iyo wiilkiisu dilay oo Shebekada Qarannews kula xidhiidhay telefoonka gacanta ayaa noogu sheegay magaca wiilka la dilay oo shalayba lagu aasey Magaalada Boorama Maxamed Cumar Nuur Magaca aabihiina oo ahaa ninka dilka fuliyey ama loo haysatana Cumar.

Isku soo wada duuboo dilkan ayaa ka mid ah dilalka ugu xusuusta xunxun ee la maqlo taariikhda ee ka dhaca Somaliland gudaheeda inkastoo sanadahan danbe ay jiraan dilal badan oo la arkay dhalinyaro waalidkood toogta ama khaarajiya balse waxaa yareyd ama dhif iyo naadir ahayd waalid caruurtooda toogta ama khaarajiya sida falkan hadda ka dhacay Boorama oo kale.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: