10 July, 2012

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun 1 Sano Ah Ku Riday Boqor Buurmadow, Eedihii Xeer Ilaalintana Laashay Iyo Garsoorihii Dacwadiisa Qaadayey Oo Ka Hadlay Qodobada Sharci Ee Uu Adeegsaday Iyo Buurmadow Oo La Filayo Inuu Iibsado Xukunkiisa

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun 1 Sano Ah Ku Riday Boqor Buurmadow, Eedihii Xeer Ilaalintana Laashay Iyo Garsoorihii Dacwadiisa Qaadayey Oo Ka Hadlay Qodobada Sharci Ee Uu Adeegsaday Iyo Buurmadow Oo La Filayo Inuu Iibsado Xukunkiisa

“Qodobada 212 Iyo 215 Ee Ay Xeer Ilaalintu Iska Soo Qorteen May Ahayn Kuwo Eedaha Buurmadow Waafaqsan, Mar Hore-na Waanu U Sheegnay Oo Waxaanu Nidhi Soo Badala Eedahaas” Garsoore Cismaan Fanax

Hargeysa, July 9, 2012 (Haatuf) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay xukun 1 sano ah ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, kaas oo mudo 4 bilood ku dhaw u xidhnaa eedo Xeer Ilaalinta gobolku u soo jeedisay oo shalay garsoorihii dacwadaas qaadayey uu laalay, isla markaana ku tilmaamay kuwo aan dacwada Buurmadow Waafaqsanayn.

Garsoorihii Dacwadaa Boqor Buurmadow Qaadayey oo ahaa Cismaan Ibraahim Daahir (Cismaan Fanax) ayaa mar uu shalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey waxa uu ka waramay heerarkii ay soo martay dacwadiisa Boqor Cismaan iyo sababaha uu Laalay eedihii Xeer Ilaalinta oo uu ku sheegay inaan Dacwada Buurmadow loo adeegsanayn karaynin, isla markaana tilmaamay inuu dhawr jeer oo hore Xeer Ilaalinta ka codsaday inay soo badalaan eedahaas.

Garsoore Cismaan Fanax ayaa sidoo kale ka Warbixiyey Qodobada Sharci ee uu u adeegsaday Xukunka Boqor Buurmadow oo shakiyo badani hadheeyeen, kaas oo tibaaxay in markii ay arkeen Wargeysyadii uu Buurmadow ku dhaliilay Madaxda Qaranka ay kala soo dhexbaxeen Qodobka 268 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta Gobolka Hargeysa ayaa la sheegay inay xukunka Maxkamadu shalay ku riday Boqor Buurmadow ay Ambiil ka qaateen, kaas oo uu Garsooraha Xukunka ridayna sheegay inay xaq u leeyihiin oo uu sharcigu u ogol yahay inay Ambiil ka qaataan.

Ugu horayna Garsoore Cismaan Ibraahim Daahir oo ka hadlaya qodobada uu adeegsaday xukunkaas, waxa uu yidhi “Qodobka aanu u adeegsanay Xukunka Boqor Buurmadow waa 268 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo 124 ee ah Xeerka habka Ciqaabta. Labadaa Qoqob waxay tilmaamayaan in Madaxda Qaranka qofka Ceebeeya, dhaleeceeya ee Sharafta ka dila.

Garyaqaan Cismaan Ibraahim Daahir mar aanu waydiinay Qodobada sharci ee uu adeegsaday xukunka Boqor Buurmadow, waxa uu yidhi “Qodobada kale ee lagu soo eedeeyey ee ay Xeer Ilaalintu ku soo eedaysay oo qodob yahay 215 wuxuu ka hadlayaa dambiga lagu galo dalka gudihiisa, waxaase la soo eedeeyey eedahaysanuhu wakhti uu dalka ka maqnaa, markaa qodobkaas ay Xeer Ilaalintu u adeegsatay Eedaha Buurmadow maaha mid ay Xaq u leedahay Xeer Ilaalintu, qodobka kale ee ay ku soo eedeeyeena waxa uu ahaa 212, kaas oo ka hadlaya marka la faafiyo wararka la midka ah kuwan iyada oo laga faafinayo Warbaahinta Caalamka,taasna Maxkamada lama horkeenin”.

Xukunka Boqor Buurmadow saamaynta uu ku yeelan karo Xoriyatul-qawlka Somaliland, iyo inay xukunkii shalay xukuumadu wax lug ah ku leedahay mar aanu waydiinay, waxa uu ku jawaabay Garsooruhu “Hadii Dacwadan ay Xukuumadu Saamayn ku leedahay maanaan laalneeba qodobadii ay Xeer Ilaalintu ku eedaysay, anaguna anaga oo eegayna dannta guud ee Cadaalada, isla markaana Qodobada ay iska soo qoreen Xeer Ilaalintu ee 212 iyo 215 may ahayn kuwo Eedaha loo haysto Buurmadow Waafaqsan, mar hore-na waanu u sheegnay oo waxaanu nidhi soo badala eeda, eediina ismay badalin imikana ta aanu ku badalnay isla eedii ayuun bay ahayd.Xoriyatul-Qawlkuna waa mid in la ilaaliyo ay dhamaanteen inagu waajib ah laakiin markii aanu Jaraa’idkii Xeer Ilaalintu keentay aanu akhrinay waxa nooga soo dhexbaxay Qodobka 268 markaa eedii ay wateen Maxkamada gudaheeda ayaanu ku badalnay, isla markaana labadii qodob ee ay wateena Waan Laalay”. Mar uu ka hadlayey Ambiil la sheegay inay Xeer Ilaalintu ka qaadatay Xukunkii Maxkamada,waxa uu yidhi “Xeer Ilaalintu hadii ay Xukunka aanu ridnay ay Ambiil ka qaadanayaan Xaq ayey u leeyihiin, markaa arintaas intaas ayuun baan ka odhan lahaa”.

Dhinaca kale Ilo Wareedo ka agdhaw Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa wargeyska Haatuf u sheegay in uu iibsanayo xukunka halka sano ah ee shalay Maxkamadda gobolku ku riday Boqor Cismaan Buurmadow.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: