03 July, 2012

Haween Laga sii Daayey Xabsiga Gabiley oo ka Xog-warramay Duruufahooda iyo Tacadiyo Lagula Kacay

Haween Laga sii Daayey Xabsiga Gabiley oo ka Xog-warramay Duruufahooda iyo Tacadiyo Lagula Kacay

Waxa khalad iyo gef ah in dadka maxaabiista ah lagula kaco tacadi iyo dulmi, isla markaana lagu hayo goobo nadaafad ahaan iyo nolol ahaanba aad u liita

“Lugahan aan ka kici kari la’ahay waxa sabab u ah duruufihii adkaa ee xabsiga nagu helay iyo dumarka askarta ah oo suun faraha lugaha nagala dhici jiray”

Hooyo Aamina Cali Guuleed oo 60 jir ah

“Ilmahan yar waxaan ku dhalay xabsiga, aabbihiina weli maan arag, intii aan xidhnaana iimuu iman, ilaa haddana….”

Hooyo Xamda Maxamed Cali oo 22 jir ah

Hargeysa (Jam) - Saddex dumar ah oo laba ka mid ah carruur wataan, ayaa toddobaadkan laga sii daayey xabsiga haweenka ee ku yaal magaalada Gabiley, kadib markii warbixin ka hadlaysa xaaladaha jeelkaas lagu baahiyey wargeyska Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Araweelonews.com.
Warbixintaasi waxay si gaar ah farta ugu fiiqday duruufaha xabsiga ku dhex haystay haween laga sii daayeyy, kuwaasoo iftiimiyey in tacadiyo lagula kacay muddadii ay xidhnaayeen.

Saddexda dumarka ah ee jeelka Gabiley ka baxay oo kala ah; hooyo Aamina Cali Guuleed oo 60 jir ah, gabadh ay dhashay oo la yidhaa Xamda Maxamed Cali oo da’deeda ku sheegtay ilaa 22 jir oo iyana ilmo yar ku dhex umushay xabsiga iyo Canab Guure Samatar oo wadata ilmo yar oo ilaa laba sanno jeelka kula jiray, haweenkaas oo ku xusnaa warbixin toddobaadkii hore lagu baahiyey Jamhuuriya iyo shabakadda Araweelonews.com, taas oo lagu shaaciyey duruufo qallafsan oo ka jira jeelka dumarka magaalada Gabiley iyo qaabka ilaaladu ula dhaqmaan maxaabiista ay hayaan.

Sida lagu sheegay warbixintaas hore hooyo Aamina Cali Guuleed iyo gabadha ay dhashay ee Xamda Maxamed Cali oo jeelka ku dhex umushay, waxay xabsiga ku jireen iyadoo muddadii la xukumay dhammaatay, kuwaasoo u xannibnaa lacago ganaax ah oo la sheegay in loo haystay, halka Canab Guure Samatar oo iyana la xidhay laba sanno horteed jeelka ku dhex haysatay ilmo yar oo markii la xidhay aan afartan bixin, waxaanay ka xog-warrameen dhibaatooyin kala duwan oo soo maray noloshooda intii ay xidhnaayeen.

Haddaba, Carraale Maxamuud Jaamac oo ah suxufi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha oo warbixintaas hore ka diyaariyey xaaladda jeelka Gabiley, ayaa markale waxa uu shalay qaar ka mid ah dumarka la sii daayey ku booqday xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, waxaannu ka warraystay duruufaha iyo xaaladaha nololeed deriska la ah haatan.

Weriye Carraale waxa uu warbixintiisa ku bilaabay sidan:

‘Aamina Cali Guuleed waa hooyo 60 jir ah oo xabsiga ku jirtay muddo saddex sanno ah. Aamina waxay dhashay gabadh la yidhaa Xamda Maxamed Cali oo qiyaastii da’deeda ku sheegtay 22 sanno. Xamdi waxay xabsiga ku dhashay wiil yar oo dhawr iyo toban bilood jira, iyagoo ka warramay duruufaha iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin.

‘Xaaladaayadu waa mid aad u liidata, mana haysanno wax daryeel ah. Ilmahan yari waxa uu la qaylinaya waa caano la’aan, mana garanayno bani’aadam aannu u qayshanno Ilaahay mooyaane.’ Sidaa waxa tidhi Aamina Cali Guuleed oo farta ku fiiqday ilmaha yar ee inanteedu xabsiga ku dhex dhashay oo gaajo xilligaas la ooyayey.

Xamda iyo hooyadeed waxay ku jiraan sandaqad yar oo hal qol ka kooban oo ku taal dooxa Daami qarkiisa, waxaanay sheegeen inay sandaqadaas ugu jiraan kiro, kadib markii ay dhaw habeen dulsaar ku ahaayeen qoys kale markii xorriyadooda loo celiyey, iyagoo ka hor intii aan la xidhina magaalada kaga jiray guri kiro ah.

Xamda iyo hooyadeed waxa ka muuqday duruufo iyo diif ay kala soo baxeen xabsiga Gebilay, iyadoo hooyo Aamina Cali ay ku adkayd inay istaagto oo cagaheeda ku socoto, waxaanay iyadoo arrinta ka hadlaysa tidhi; “Xabsiga Gebiley waxa nagu helay duruufo qallafsan, lugahan aan ka kici kari la’ahayna waxa sabab u ah duruufihii adkaa ee xabsiga nagu helay iyo dumarka askarta ah ee jeelka ilaaliya oo suun faraha lugaha nagala dhici jiray, waase Ilaahay mahaddii haddaannu xorriyadayadii helnay.

Markii hore noloshayada waannu dabbari jirnay, laakiin hadda xaaladdu way nagu adag tahay, itaalkayagana waad aragtaa, mana jiro ehel iyo qaraabo aannu u qayshanaa.”

Sidoo kale, Xamda Maxamed Cali oo la waydiiyey ilmaha yar ee xabsiga ku dhashay aabbihii halka uu ku sugan yahay, waxay tidih; “Markii aannu ninkayga is-mehersanay wax yar kadib ayaa la i xidhay aniga iyo rakaab kale oo gaadhi la soconay. Muddo dheer ayaan u xidhnaa wanjal iyo dembi aanan qabin oo dusha la iga saaray, ilmahan yarna waxaan ku dhalay xabsiga, aabbihiina weli maan arag, intii aan xidhnaana iimuu iman, ilaa haddana oon maalmo xorriyadayda haystana wax war ah kamaan helin.”

Ceeb ma aha, khaladna maaha in qof xorriyaddiisa laga qaado oo muddo xabsi ku jiro, balse waxa khalad iyo gef ah in dadka maxaabiista ah lagula kaco tacadi iyo dulmi, isla markaana lagu hayo goobo nadaafad ahaan iyo nolol ahaanba aad u liita, qofka maxbuuska ahna wuxuu xaq u leeyahay inuu helo caafimaad iyo daryeel nololeed, kor-u-qaadis dhaqan iyo waxbarasho si looga suuliyo waxyaabaha uu xabsiga ku mutaystay, sidoo kalena markuu xorriyaddiisa helo uu bulshada ula qabsado.

Sida dumarkan maxaabiista ahaa sheegeen intaas iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurka Somaliland u dammaanad qaaday jeelka Gebilay kumay helin, taa beddelkeediina waxay la kulmeen tacadiyo iyo dhibaatooyin saamayn ku yeeshay.

Saddexdan dumarka ah oo laba ka mid ah carruur yaryar ku dhex korsadeen jeelka, waxay u baahan yihiin gargaar iyo taakulo bina’aadamnimo, waxaanay shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba ka codsadeen in Ilaahay dartii loo caawiyo.’ http://samotalis.blogspot.com/

No comments: