22 July, 2012

CIIDANKA BOOLISKA ITOOBIYA OO KOOXO AY KU TILMAAMEEN XAGJIR KA HOR- ISTAAGAY INAY

CIIDANKA BOOLISKA ITOOBIYA OO KOOXO AY KU TILMAAMEEN XAGJIR KA HOR- ISTAAGAY INAY SOOMAAN MAALITII KOOWAAD EE BISHA RAMADAAN IYO DAD MUSLIMIINA KU BANNAAN BAXAYA ADIS ABABA



dad soomaiya oo ku bannan baxaya adis ababa

Ethopia (cnn)- waxa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayey dalkasi caasimada dalkaasi itoobiya ee adisababa dibad baxyo kasoo ay asamayanayeen dad muslimiin ah, oo ku dacwoonayey in dawlada dalkaasi soo fara galisay diintoodii
Ethopia (cnn)- waxa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayey caasimada dalkaasi itoobiya ee adisababa dibad baxyo kaasoo ay samayanayeen dad muslimiin ah, oo ku dacwoonayey in dawlada dalkaasi soo fara galisay diintoodii .

Arintani waxay ka danbaysay ka dib markii koox ka mida kooxihii dibad baxayey oo madaxa soo duubtay ay xidheen albaabka masaajid ku yaalla daanta galbeed ee magaalada caasimada adisabada halkaas oo markii dambe boolisku xoog ku galeen islamarkaana xidheen dad ay sheegeen inay kuwii ka soo abaabulay dibad baxyada.

Kumanaan muslimiina ayaa dibad baxyo goos goos ah ka dhigayey jidadka waa weyn ee caasimada illaa horraantii sanadkan kuwaasoo ku doodayey in dawlada itoobiya dhiiri galinayso mad-hab islaami ah oo aan aad caan u hayn laguna magacaabo all ahbashtaasi oo ay ku tilmaameen inay tahay mid siyaasadeed oo dadka ku xidhani ku xidhani ay ku nool yihiin dalka maraykanka.

Dhanka kale dowlada itoobiya ayaa beenisay in ay dhiiri galinayso all ahbash, balse waxay sheegtay in ay ka go,an tahay ka hortaga xagjinimada islaamiga ahi inay kaga soo faafto dalalka dariskeeda ah sida, suudaan iyo soomaaliya.

Telefishanka dalkaasi ayaa shaaciyey in ciidamada booliska ee federaalku ay ka hor tageen qorshe ay kooxo xagjir dhibaato kaga abuurayeen masaajidka garaand anwal ee magaalda adis ababa iyaga oodhinca kale sheegay inay ka hor istaageen kooxo kale inay soomaan malintii koowaad ee bisha ramadaan .


Khaalid xasan axmed

Caynaba news

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: