04 July, 2012

CABDIRAXMAN CABDIQADIR OO SOO GAADHAY HARGAYSA IYO

CABDIRAXMAN CABDIQADIR OO SOO GAADHAY HARGAYSA IYO URUR SIYAASADEEDKA XAQSOOR OO SI WEYN UGA DHEXMUUQDAY SOO DHAWAYNTIISA + SAWIRO




Hargaysa(CNN)Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye Mudane Cabdiraxman Cabdiqaadir

Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye Mudane Cabdiraxman Cabdiqaadir Faarax oo kasoo laabtay Socdaal Caafimaad oo uu ku tagay Dalka Debediisa ayaa manta Dalka kusoo laabtay iyaddoo isla Maantaba si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland .



Munaasibad ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin ka socda Golaha wakiiladda ,Asxaabta Qaranka iyo Ururadda siyaasadda oo lagu qabtay Hotel Kaah ee Magaaladda Hargaysa ayaa waxaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Mudane Cabdiraxman Cabdiqadir Farax oo ka soo laabtay Dalka Ingiriiska.



Mudane Cabdiraxman oo hatan xaaladiisa Caafimaad wanaagsan tahay ayaa ka hadlay soo laabashaddiisa dalka jamhuuriyadda Somaliland isaga oo bulshadda reer Somaliland uga mahadceliyay sidda ay arrinkiisa uga hadleen .



Afhayeenka Xisbiga Mucaraadka ah ee Kulmiye ayaa isagunna siddoo kale xukumadda madaxweyne siilaanyo ku dhaliilay cadaalad daro isagoo arrimahaasina dusha ka saaray wasiirka Madaxtooyadda Somaliland .

Geesta kalenna Guddoomiye ku xigeenka Ururka Xaqsoor mudane Cali sandule oo ka hadlay munaasibadda ayaa tilmaamay in ururkoodu Cabdiraxman Cabdiqadir ugu Hiilinayaan Xaqa isla Markaasna ay ka runsheegayaan MagacA Ururkooda .



Guud ahaanba Ururka Xaqsoor ayaa manta si weyn uga dhexmuuqday soo dhaweyn xoog leh oo loo sameeyay mudane cabdiraxman Cabdiqaadir Faarax guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Kulmiye .

Saleban sahal jamac

salosahal@hotmail.com

Caynabanews.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: