20 July, 2012

BARLAMAANKA KILILKA SHANAAD EE DALKA ITOOBIYA OO ISKUGU YIMID KULLAN XAAS XAASIYA

BARLAMAANKA KILILKA SHANAAD EE DALKA ITOOBIYA OO ISKUGU YIMID KULLAN XAAS XAASIYA





Jigjiga(CNN)- Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Maamulka Kililka ayaa kullan loo qabtay Barlamaanka Kililka. Kullankan ayaa ah Midkii 5aad ee Barlamaanku qabsadaan waxaana la sheegay in laga hadlayo qoddobo ay ka mid yihiin Degmooyinka, Gobaladda Iyo Maamulka Xisbigga.

Wararka Hordhaca ah ee naga soo gaaraya Kullankaas ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Kililka Cabdi Maxamed Cumar uu furey Kullankaas waxaana Diiradda Lagu saarayaa Arrimahan Soo socda.


Waxaa Xussid Muddan in Magacyadii Dhowr gobal oo hadda kahor laga badalay Magaca dib loogu soo celiyay Magacyadoodii Hore.


1-Gobalka Dhagaxbuur ( Baddalka waa Jarar.)

2-Gobolka-Shiniile (Baddalka waa Gobolka-Siti)

3-Gobolka-Godey (Baddalka waa Gobolka-Shabeele) .

4-Gobolka jigjiga ( Baddalka waa Gobolka Faafan).

5.Gobolka Wardheer (Baddalka waa Gobolka Doolo ).

6-Gobolka-Fiiq (Baddalka waa Gobolka-Nogob).

Jabhadda ONLF ayaa inta aysan Dagaalka Bilaabin haysay Maamulka Kililka isla Markaasna Magacyaddan Cusub ee Jarar, Siti, Faafan, Doollo, Iyo Nogob hirgalisay Balse Maamuladii Kililka ayaa baddalay.

Hadda Ayuu Maamulka Kililku soo celiyay Magacyadii hore, ma cadda sababta, balse waxaa la sheegay in la kala soocoya Magaca, Magaaladda Iyo Gobalka, Waxaa sidoo Kalle Magaca laga badalay DDS oo ahayd, Dowladda Deegaanka Soomaalidda, waxaana hadda laga Dhigay, DDSI, Dowladda Deegaanka Soomaalidda Itoobiya?

Waxaa Xusid Muddan in Maalinta Kililka la sameeyay oo ah January 24 1993. Maalinkaas Shaqo ma Jirto Waana Fasax Dhamaan Shaqaalahha Kililka.

Ansaxinta ayaa iyanada ku Jirtaa Miisaaniyadda Sannadkan Maamulka Kililku leeyahay.

Barlamaanka Kililka ayaa lagu tilmaama Midka oogu sharci xun, Iyadoo Barlamaanku uusan waxba diidi Karin waxna ka Hor iman karrin Isla markaasna ku Yimaado Xulasho ee uusan ku iman Doorasho Shacab.

Wixii ka soo Kordha Dib ka soo Sheegi Doonaa.Kala Soco caynaba News Xarunteeda Dalka Itoobiya


.
Jimcaale Nuur Daade
Jigjiga Caynaba News




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: