21 July, 2012

Aboolayntii SAMAALE + Ahminkii UDUB + Af-gobaadsigii MUSE Iyo Eed-kacararkii SIILAANYO

Aboolayntii SAMAALE + Ahminkii UDUB + Af-gobaadsigii MUSE Iyo Eed-kacararkii SIILAANYO

Hargeysa-kadib kulan qarsoodiya oo Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo xubno kale oo xilal Wasiir ah kasoo qabtay Xukumaddii hore ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa buuq iyo kala shaki waxa uu ka dhex dhaliyey hoggaanka sare ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, kuwaasoo murran iyo dooddo adagi ku dhexmareen goobo kala duwan oo ay ka mid tahay Xarunta Golaha Wakiillada.

Is-maandhaafka iyo dooddaha labada dhinac oo nuxurkoodu ahaa kuwo isugu jiray mid ku saabsan asbaabaha keenay la kulanka Madaxweynaha ee kooxda UDUB iyo sidoo kale cidda awooda u leh in lagala xaajoodo heshiisyada iyo wada hadallada lala gelayo Xisbiga KULMIYE, waxa ay dhexmareen isbahaysi la safan Gudddoomiyaha ku meel gaadhka ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo koox taabacsan Wasiir Samaale oo ka mid ahaa xubnihii gadhwadeenka ka kulanka Madaxwenaha iyo kooxda UDUB.

Kulanka shakiga ka dhex abuuray kaadiriinta KULMIYE, ayaa inkastoo aanay si dhab u soo shaac bixin arrimihii lagu soo qaaday, balse hadana sida ay ilo wareedyo xog-ogaal u ahi u sheegeen Wargeyska Yool, waxa la sheegay in ujeeddada xubnaha UDUB aanay dhaafsiisnayn xil-doon, halka Wasiir Samaale iyo xubnaha kale ee xullafada kula ahaa abbooleynta afraadan uu damacoodu ahaa awood ku yeelashada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo sidoo kale inay Madaxweynaha isu tusaan inay yihiin shakhsiyaad Xukuumadda iyo Xisbigaba usoo jiidi kara taageero iyo cududba.

Waxa kale oo wararku intaa ku dareen intii kulanka lagu jiray in Madaxweyne Siilaanyo uu ka af-waajiyey iskana ururiyey in kooxda UDUB uu ka dhegaysto Warar iyo Sheekooyin ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, taasoo aan kala cadeyn in Madaxweynuhu u diidanaa si guud iyo inay ahayd mid qayb ka ah heshiisyo hoose oo u dhexeeya Siilaanyo iyo Rayaale wejigay doonaanba ha yeeshaane.

Geesta kale warar aanu ka helnay ilo ku dhow-dhaw Xisbiga KULMIYE ayaa sheegaya in Guddoomiye Biixi uu ka cadhooday kulankaa waxana wararku xuseen in aanay xaqaa’iga ku fadhiyin hadallo kulankaa taageero u ahaa oo uu Warbaahinta ku faafiyey, balse ay ahaayeen weedho diblumaasiyadeed oo uu kaga raad gadanayey inuu tafaasiil kale ka bixiyo arinta kulanka. Hase-yeeshee, sida laga dhadhansanayey dooddo xubnaha la ologa ahi, ayaa waxa muuqata in kulanka Madaxtooyadu ahaa mid aanu sinaba raali uga ahayn Muuse Biixi oo isu arka in awood ka jiidasho lagu samaynayo Guddoomiye-nimadiisa.



Yool




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: