07 June, 2012

Xildhibaan Axmed Weyne oo sheegay in aan madaxweynaha laga aqbalaynin saamaxaada uu sameeyay

Xildhibaan Axmed Weyne oo sheegay in aan madaxweynaha laga aqbalaynin saamaxaada uu sameeyay

Hargeysa (Ramaas) June 7,2012 - Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-Weyne) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa si adag uga hadlay xukunkii maxkamada degmada Hargeysa ku riday saddexdii Masuul ee eedaymaha musuqmaasuq lagu eedeeyay.

Xildhibaan Axmed-weyne, waxa uu go'aanka Maxkamada degmada Hargeysa ka soo saartay dacwadii masuuliyiintii Musuqa u xidhnaa, ku tilmaamay mid cadaalada ka fogaa oo cid kale maamushay, isaga tilmaamay in saraakiishii xeer ilaalinta ee dacwada ku oogayey masuuliyiintaasi laftoodu cadeeyeen in aanay wax dambi ku helin isla-markaana ay ceebi ka raacday kiiskaasi.

Md Axmed-weyne oo maanta shir-jaraa'di ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa aad carabka ugu adkeeyay in xukunka ku dhacay saddexda masuul uu ahaa cadaalad daro isla-markaana dusha laga saaray dambi ay galeen masuuliyiin kale oo xukuumadda ka mid ah, balse iyagga lagu koobay si loo badbaadiyo masuuliyiinta baadhista kiiskaasi galay, isaga oo xusay in arintani bar-madow ku tahay Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, isaga oo Madaxwayne kula taliyey inuu arinkaasi dib ugu noqdo oo la cadeeyo in raggaasi lagu khaldamay.

Axmed-weyne waxa uu sheegay inaan Madaxwaynaha laga yeeli doonin inay saamaxaad u fidiyaan masuuliyiinta la xukumay, isaga oo shacabka ugu baaqay inay arintan ka dhiidhiyaan, maadaama oo ay tahay buu yidhi arin ugub ah oo xukuumadda Siilaanyo bilowday.

Xildhibaan Axmed-weyne oo arimahaas ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Waxa lanoo soo doortay inaanu tacadiga xukuumadda umadda ka ilaalino, markaa maanta waxaan ku khasbanahay inaan ka hadlo arin aan laga laabmi karayn ah oo cadaalad daro cad ah oo hadhcad dhacday...Waxaan ka mid ahaa dadkii masuuliyiinta ahaa ee maxkamada dhageysanayey, ilaalinayeyna inaan qas ka dhicin, nimankaasi wax alaale wax dambi ah oo ku cadaa ma jirin oo dambigu cid kale ayuu ku cadaa haddii cadaalad la raadinayo oo la sugayo, waxayna ahayd in cidii dambigu ku cadaaday la soo qabto."

Mudane Axmed waxa kale oo uu ka hadlay "Raashinkani intan muu ahayn ee Doon dhan ayay ahayd, dawladana waxa la doonayaa inay dadka uga jawaabto halka uu raashinkaasi maray, saddexda baabuur ee nimankan lagu eedaynayey waa la keenay oo kiish kama maqnayn"ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Nimankani waxay noqdeen kuwo dambi cid kale lahayd maqaar saar looga dhigay, oo cid kale oo ka waaweyn ayaa iyaga isku xalaaleysay, markaa arinkaasi cadaalad daro xun oo fool xun ayaa ka dhacday, anagu haddii aanu nahay xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo kow ka yahay, labadii qodob ee aanu ololihii doorashadii ku galay ee Madaxwaynahan codka lagu siiyay ayaa maxkamadan saamaynayey, waxayna ahaayeen cadaalada iyo Musuqmaasuqa, Madaxwaynuhuna waxa uu ku ololeeyay inaanu labadaaba wax ka qaban doono, maxkamadan xiiso gaar ah ayay umadda u lahayd oo aad-baa loo daawanayey, waayo labadaa qodob ayay taabanaysay, waxayna tijaabo u ahayd inay suurto-gal tahay fulinta labadaa qodob ee uu balan-qaaday iyo inay ahayd hadal maalintaasi lagu dhaafay, waxaana cadaatay inuu ahaa hadal maalintaa lagu dhaafay (Wakhtigii ololaha), xisbigana dambigaasi malaha, waayo xisbiga barnaamijkiisii waa laga leexday, wax tallo ahna lama waydiiyo, markaa waa bar-madow oo Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa ku taalla."

Xildhibaan Axmed-weyne waxa uu sheegay in cadaalad daradu aanay abtirsiimo lahayn "Cadaalad daradu abtirsiimo malaha, aniga iyo Madaxwaynuhu jabhadii ayaanu isku ahayn, waxaanu ka dagaalamaynay cadaalad xumo iyo dad la iska xukumo, markaa Madaxwayne wixii oo maanta xukuumadaada ka dhacaya kuguma saamaxayno, la imana odhan karo waa Kulmiye muxuu marada u saari waayay (Qarin waayay), maya..ma saarayo, waayo cadaalad daradu abtirsiimo malaha, shalay Afweyne Daarood-buu ahaa oo aynu kula dagaalamaynay, maantana Siilaanyo waa nin reer Sheekh Isaxaaq ah, cadaalad darada dawladiisu samaynayso halaga aamuso, cadaalad daradu waa cadaalad daro, cidii ay ka timaadana waa in halkeed aloogu taggo, markaa waa igu waajib inaan ka hadlo."ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray "Markii maxkamadu afar maalmood socotay, ayaa nin xeer ilaalinta ah oo aanu Maxkamada wada dhageysanaynay oo aanu is-garab fadhinay ayaa markii la soo baxay igu yidhi meesha waanu ku ceebownay oo wax alaale iyo wax dambi ah oo aanu nimankaa ku haynaa ma jirto, inaanu halkaa iskaga xidhno ayay ahayd oo aanaan umadda is-dhex keenin, waayo dawlada ayaa ku ceebowday, waayo wixiiba dawlada ayuu ku meeraystay, booliskeedii iyo markhaatiyadeedii, dawladuna iyadaa ceebteeda dibada wada keentay, ceebteedii ay golle keentay ayay nimankan badbaado uga dhigatay, maxkamadana (Maxkamada degmada Hargeysa) maaha tii aanu anagu dhageysaneynay, meel kale ayaa lagu soo qaaday kiiskan."

Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo isbarbar dhigaya xukunka ku dhacay masuuliyiintii Musuqmaasuqa lagu eedeeyay iyo hab-dhaqankii Siyaad Barre ayaa yidhi "Barigii Siyaad Barre ayaa ninka Mareexaan ee qof dilla la odhan jiray waala qabtay, maalinta la yidhaahdo waala dilayaa (Qisasayaa), ayaa nin Xabashi ah oo dagaaladii lagu soo qabtay inta jeelka laga soo saaro ayaa madaxa maro madow loo soo galiyo badhka la taagi jiray oo la odhan jiray ninkii Mareexaan-baa la dilay....nimankani (Masuuliyiintii maxkamadu xukuntay) sidaas ayay u eg-yihiin....Walaahi-baanay noqonayn Xamarji, Axmed Cilmi Barre iyo La taliyihii Madaxwayne ku xigeenku Xabashidii Mareexaanka loo laynayey, waxaan leeyahay arinkaasi waa arin mudan in laga dhiidhiyo, taasina umadda ayay u taalaa, waxana waa wax ina wada saameeya, Balaayana madax la qabtey leedahaye minjo la qabto malaha, waana wax hor leh oo inagu bilaabmay"ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey isaga oo Madaxwaynaha Fariin u diraya "Waxaan leeyahay Madaxwaynaha, Madaxwayne inta aad is-tidhaahdeen nimankan ceebtiina maqaar-saar uga dhiga oo hadhowna saamaxa, Madaxwayne saamaxaad kaagama baahna, nin aan dambi galin saamaxaad kaagama baahna ee cadaalad ayuu kaaga baahnaa, tiina la idinkama helin, inaad saamaxdaan ayaa doonaysaane, saamaxaadaasi wax dhici karaya oo la idinka yeelayo adiga iyo dawladaada oo umadda u cuntamaya maaha, haddii aad saamaxdana walaahi kiiska waanu wadaynaa ilaa cadaaladu sugmayso oo la cadaynayo (in aanay dambi galin), maantana waa boog-madow oo ku taala xukuumaddaada sidii aad u sixi lahaydna adiga ayay ku jirtaa."

Xildhibaan Axmed-weyne, waxa uu sheegay inuu golaha wakiilada geyn doono Mooshin ka dhan ah xukunka Masuuliyiintan, isaga oo sidoo kalena golaha ugu baaqay in laba guddi loo saaro arintan "Golahayagu marka uu furmo anigu waxaan diyaarinayaa Mooshin ah in la daba gallo cadaalad darada iyo musuqmaasuqaasiba, haddii kale anaguna waxba ma nihin oo cadaalad darada iyo dulmiga meesha ka dhacay waanu gargaarnay oo la mid-baanu noqonaynaa, markaa waxaan leeyahay xildhibaanada golahayaga hawshaasi way inoo taalaaye waa inaynu arinkaasi u saarnaa laba guddi oo gaar ah oo baadha arinkaasi oo taabta, Madaxwaynaha iyo dawladiisana haddii ay isa-saxayaan iyagga ayay u taalaa, ceebna malaha ka maydhmi mayso, haddii aad khaldantay oo aad tidhaahdo waan khaldamoo waan ka noqonayaa ceeb maaha, mana ceeboobaysid, Madaxwaynahana waxaan leeyahay taas ragganimadu ku jirtaa"ayuu yidhi.

Shirka jaraa'id ee uu Xildhibaan Axmed-weyne arintan kaga hadlay sidoo kale waxa ku wehelinayey oo arintan si adag uga hadlay xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland.


Ramaasnews


No comments: