04 June, 2012

Wejiga 1aad Shirka Istanbul oo Xidhmay: Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay iyo Wasiirrada Somaliland oo Dhegeystaayaal ahaa

Wejiga 1aad Shirka Istanbul oo Xidhmay: Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay iyo Wasiirrada Somaliland oo Dhegeystaayaal ahaa

 Istanbul (Jam/W.Wararka)- Wejiga 1aad ee shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo loo qoondeeyey in beesha caalamku kaga arrinsato qodobo la xidhiidha horumarka, ayaa la soo gunaaday xalay fiidkii, kadib markii la dhammaystiray khudbado aan weftiga wasiirrada Somaliland ku jirin oo madaxda caalamka ee ka qaybgalay badankoodu ka jeediyeen madasha.

Shirkan oo wejigiisii koowaad ee shalay ka qaybgaleen ergooyin tiradoodu ka badan tahay 57 dawladood oo adduunka ah, isla markaana ku jiray Madaxweynaha dalka Eriteria Mr. Isiasak Afwerke oo markii ugu horreysay shir caalami ah lagu casuumay, waxa wufuuddu ku dhegaysteen khudbad aad u dheer oo uu halkaas ka jeediyey Ra’iisal-wasaaraha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Cabdiweli Maxamed Gaas, taas oo uu sharraxaad kaga bixiyey xaaladaha siyaasadeed, nabadgelyo iyo nololeed ee ka jira dalkiisa colaaduhu aafeeyeen.

Raysal-wasaare Gaas waxa sheegay inay dawladdiisu horumar ka samaysay sannadkii iyo badhkii u dambeeyey dhinaca dagaallada ay ciidammadooda iyo kuwa AMISOM kula jiraan xoogagga Al-shabaab, isagoo ku faanay inay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 95% ka dhigeen goob ammaan ah oo gacanta maamulkooda ku jirta.

Waxa kaloo uu sheegay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya ay ka mid yihiin budhcad-badeedda iyo gaajada, waxaannu beesha caalamka ka dalbay in dawladdiisa lagu taageero sidii Soomaaliya u noqon lahaa qaran jira, isagoo ammaan gaar ah u jeediyey dawladda Turkiga ee martigelinaysa shirka lagaga hadlayo xaaladda murugsan ee waddanka Soomaaliya.

Mr. Gaas waxa uu tusaale u soo qaatay lacagaha balaayiinka dollar ah ee magaca Soomaaliya lagu bixiyo, kuwaasoo uu sheegay inaan waxba kaga soo noqon bulshada Soomaalida.

Markii la soo gunaanaday wejiga 1aad ee shirka Istanbuul ka furmay shalay, ayaa waxa shir-jaraa’id wadajir u qabtay Ra’iisal-wasaaraha dalka Turkiga Mr. Rajab Tayyib Erdokan iyo Ra’isal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Cabdiweli Maxamed Gaas, kuwaasoo ka hadlay arrimaha shirka iyo ajandayaashiisa dambe.

Mr. Gaas oo ugu horreyn shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa si indha la’aan ah uga u soo qaaday midnimo Soomaaliweyn oo markale dhexmarta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo si gaar ah u soo qaatay qodobka 6-aad ee baaqii ka soo baxay shirkii London, “Waxaannu gaadhnay horumar badan oo aannu ka samaynay isu keenista iyo isu soo celinta midnimadii Soomaaliyeed. Waxaan xusi karaa in la diyaariyey ergooyinkii wadahadallada la qaadan lahaa walaalahayo woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) sidii looga hadli lahaa turxaan-saarka mugdiga soo dhex galay midnimada Soomaaliyeed, waxaanan u mahad-celinaya walaalahayaga reer woqooyi oo gartay in la gaadhay xilligii midnimada Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Mr. Gaas

Ra’isal-wasaaraha dalka Turkiga Mr. Rajib Dayyib Erdokan, ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in dawladdiisu taageeradeeda la garab joogayso Soomaaliya tan iyo intay lugaheeda isku taagayso, ugana baxayso dhibta iyo dagaallada aafeeyey 21-kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaannu ugu baaqay kooxda xagjirka ah ee Alshabaab inay qoryaha dhigaan oo u tudhaan dadka maatida ah, “Waa inay xusuustaan Al-shabaan in jihaadka ay ugu wey ntahay markaad ummadaada u tudho eed uga tanaasusho faqriga iyo rafaadka haysta.”

Dhinaca kale, weftiga wasiirrada ah ee xukuumadda Somaliland uga qaybgalaya wejiga koowaad ee shirka Istanbul, ayaan ka dhex muuqan madaxda iyo ergooyinkii lagu casuumay khudbadaha laga jeediyey furitaankii shalay ee shirkaas ee shalay oo ahaa wejiga keliya ee ay ka qaybgalayso.

Fadhiga labaad ee shirka Istanbul oo si gaar ah loogaga hadli doono khariidadda nabadda Soomaaliya, isla markaana xukuumadda Somaliland qaadacday ka qaybgalkiisa, ayaa la filayaa inuu Jimcaha maanta qabsoomo, iyadoo la filayo in lagu furi doono khudbad uu halkaas ka jeedin doono Ra’iisal-wasaaraha dalka Turkiga iyo madax kale oo ka tirsan dawladaha lagu casuumay shirkaas.

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: