13 June, 2012

Warkii ugu danbeeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee shaalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa

Warkii ugu danbeeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee shaalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa
Wasiirka Cadaaladda Somaliland Muxuu ka yidhi Falkii shalay lagu Dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo Eeddaymaha loo soo jeedinayo Garsoorka dalka?

Hargeysa(GNS)-Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in Falkii shalay lagu toogtay Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa uu ahaa mid bilow u ah Dagaal lagu soo qaaday Garsoorka dalka, hadii aan laga hortegina keeni kara in xasilooni daro.


Xuseen Axmed Caydiid oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Arrintani waxay tahay dagaal lagu qaaday garsoorka dalka taas oo aan hore loo arag marka laga reebo meelo yar-yar oo dalka ka tirsan sida Laas-caanood oo arrinteedu khatar gaadhay haddii aanaan dadaal ku soo celinin,taasoo gaadhay in mar la awoodi waayey in cidba la xukumo dadkeenu haddii ay ogyihiin dhibta ay leedahay garsoor la'aanta garsoorka may dhaliileen in ay taageeraan mooyaane " ayuu yidhi wasiirka Cadaaladdu. 


Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo u muuqda Masuulkii labaad ee sida xun uga gubtay eedaymihii Xukuumadda looga soo jeediyay Xukunkii dhawaan lagu riday Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex iyo labadii masuul ee la xidhnaa ayaa ku Baaqay" dadka baryahan shirarka jaraa'id qabanaayey ee garsoorka dhaliilay ee ceebihiisa ku soo ban dhiga saxaafadda waxaan leeyahay taasi waxay keenaysaa in garsoorkii laga aamin baxo oo la aamini waayo taasina waxay horeseedaysaa in nin waliba sharcigiisa gacanta ku qaato, oo labadii isqabtaama intay dooxa isla tagaan hadii ay waxba iska aqbali waayaan markaa lays dilo " 


Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in aanay marnaba bannaanayn in garsoorka waxa laga sheego, xaaraana ay tahay in lagu tilmaamo meel aan gar lala tegi Karin, waxaanu yidhi " garsoorku ceeb hayeesho ama yaanu yeelane ma bannaana in sinaba wax looga sheego, in lagu tilmaamo meel aan waxba lala tegi karina waa xaaraan". 


Xuseen Axmed caydiid waxa uu ku dooday in dhawaac weyn qaranka Somaliland loogu geystay falkii lagu toogtay Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Marood-jeex "falkaas cidii gashay waa cid dhaawac weyn qaranka u geysatay"ayuu yidhi. 


Xuseen Axmed Caydiid waxa kale uu daboolka ka qaaday in nidaamkii Garsoorka ee Gobolka Sool la tayeeyay, isla markaana si buuxda loo sugay amniga hay'adaha Garsoorka ee Gobolkaasi "gobolka Sool waxaanu xooga saarnay sidii garsoorayaal cusub looga hawl gelin lahaa, waxaanay garsoorayaasha gobolkaasi kaga duwan yihiin kuwa gobolada kale Guno dheeraad ah ayaanu ku siinaa sidii ay hawshooda u gudan lahaayeen"ayuu yidhi. 

GNS 
Hargeysa 

No comments: