Wajiga Dhabta ee Maamulka Cusub ee Qabsaday, Sababaha Keenay Shaqaalaha tirada badan...........
Qormadii hore ee Waxaynu kusoo Xusnay Wakhtiyadii kala duwanaa ee Shirkadda Telesom soo martay, Wajiga Dhabta ee Maamulka Cusub ee Qabsaday, Sababaha Keenay Shaqaalaha tirada badan ee ka hayaamay, kala sooca Shaqaalaha iyo Sababaha keenay hoos udhaca dhaqaale ee ku yimi shirkadda. Qormadan waxaan kaga hadli doonnaa dhibaatooyinka Xad dhaafka ah ee lagula kaco shaqaalaha iyo Hab dhaqanka Maamulka Cusub ee Majara habaabiyay Shirkadii ugu Waynayd Wadanka , kana dhigay Shirkad Cadaw ku ah Shaqaale hoosaad keeda.
Shaqaaluhu Waa laf-dhabarta Shirkadda, Waana Halbawlaha hagga Hawlmaalmeedka shaqo ee Shirkadu Qabato, kuwaasi oo aan la’aantood wax qabsoomayaa jirin, Shirkad kasta oo hiigsanaysa horumar waxay hagaajisaa Shaqaaleheeda, Waxay ka haqab tirtaa Adeegyada ay Bixinayso Shaqaaleheeda inta aanay Bulshada kale gaadhsiinin, Shirkadi waxay Sumcadeeda Dhawrataa inta ay Shaqaaleheeda Dhiiri galiso, Dhagaysatona Cabashadooda.
Shirkadda Telesom Waa Shirkadda ugu Wayn Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalka, Waana shirkadda ugu Mushaharka yar shirkaddaha, Waa Shirkadda ay Shaqaaleheedu iskugu jiraan in Dharagtay oo Sanad Walba laba Fooq Dhista iyo in Maalinna Dab loo shido maalinna Qadda oo Rafaad ku dhamaysta Noloshooda, Tusaale Fiican waxaa kuugu Filan marka aad la kulanto Shaqsi ka Tirsan Waaxyaha Gaadiidka, Land-line-ka, illaalada iyo Iibka oo ah Waaxyaha Muraayada u ah Sumcadda Shirkadda.
Sanad kasta Shirkaddu Waxay Faa’idaa 100% waxaana la Bixiyaa Abaalminno gaar ah oo Loogu talo-galay dhiiri Galin, balse Niyad jabiya Shaqaalaha, waxaa Wax lagu qiimeeyaa, Nin jeclaysi, Basaasnimo iyo ka Ag-dhawaanshaha Maamulayaasha Cusub, Waxaa la Bixiyaa Lacago kala Duwan oo Xadigeedu aad u kala Duwanyahay Taasi oo ku xidhan inta Qofka Shaqaalaha ahi u jiro Hogaankiisa, Sanad kasta oo Qiimayni Dhacdo Waxaa Shirkadda ka tagga Shaqaale badan oo Niyad jab uga tagay, Mana Dareensana Kooxda Cusub ee aad moodo Caddaw loo soo diray Shaqaalaha Shirkadda.
Shirkad kastaa Waxay ka Bilawdaa adeegyada ay bixinayso Shaqaaleheeda, kana Haqab tirtaa, si qofka shaqaalaha ahi ugu Adeego niyad Sami, Waxaa dhacday oo soo noqnoqotay in Shaqaale ka Tirsan shirkada oo ku gudo jira Hawl maalmeedkoodu Maalin walba lacag ku shubtaan Telefoonadooda gacanta si ay ula hadlaan Macaamiisha Adeegyada loo Fulinayo, Waxaa dhacday marar badan in Shaqaale lacagtii mobile-ku ka Dhamaatay uu Missed Call udiro Macmiisha Shirkadda si loogu soo celiyo ka dibna u waydiiyo Cabashada Macmiilka ka Cabanaya adeeg xumaaday.
Maaha markii ugu horaysay ee Arintani Dhacdo Balse waxaa intaa usii Dheer in Shaqaalaha Shirkadu marka ay Khaati ka istaagaan Lacagaha Mobile-ka lagu Shubo ee loogu Adeegayo Macaamiisha in ay isku Guubaabiyaan in Shaqaalaha kale ee Wada-shaqayntu ka dhaxayso ay qaataan Shirkadaha kale ee ka Adeega jaban sida Shirkadda Somtel oo kale, taasi oo uga kharash yar inta uu kula hadlayo qof kale ee ay wada shaqaynayaan, Waana mid Dhabar jab ku ah Maamulka Cusub ee Shirkadda Telesom iyo Xafiiska Ganacsiga ee Marwlaba Beenta la soo Fadhiya Shaashadaha Warbaahinta, in Adeegyada ay Bixiyaan Ka haraadanyihiin Shaqaaleheedii isla markaana loogu Adeegayo Shirkaddo kale iyada oo Sida Bulshaduba ka Warqabto aanay Wax lacag ah ku Taagnayn Shirkadda haddii ay Xataa Bilaash uga Dhigto Shaqaaleheeda Dalka Gudihiisa.
Arimahaasi iyo kuwo kale oo inoo Soo Socdaa Waxay Horseed u yihiin Maamul Xumo la soo Gudboonaatay Shirkaddii iyada oo Bulshada inta si fiican u fahantaa Garan karaan Tacadiyada iyo Gabood Faladda ka Dhanka ah Shaqaalaha ee la iskugu daray Dhaqaale yaraan iyo in Dib jeebkooda loo maalo iyada oo Duruufo adagi ku Gadaaman-yihiin Shaqaalaha shirkadda oo Tuhun badan bulshadu ka qabto in Shaqaaleheedu ku niyad sanyihiin waxa ay bixiso.
Maamulaha Wanaagsani waa ka og Xantiisa hoose, Telesom waxay Maamul Cusub u Dooratay Koox Cadaw ku ah Qof Shaqaale ah oo Dalacay, Qof shaqaale ah oo Codsaday mushahar kordhin iyo mid Cabasho ka Muujiyay Shaqooyin ka Baxsan Shirkadda oo Maamulkiisu u Adeegsaday, Kooxdan oo Shaqaaluhu u yaqaanaan (New Bolis-ka Telesom) ayaa ah Koox aan Ehel u ahayn Hogaamin iyo Wax la mid ah toona, Waana Koox Qaab Qabiil ku yimi madasha oo Hoos u dhac wayn ku keenay Horumarkii iyo Xawligii shirkaddu ku socotay Sanadihii ugu Danbeeyay.
Dadka indheer garadka ahi Waxay ka Qiyaas qaadan karaan marka ay isbarbar dhig ku Sameeyaan Shirkad Bulshada oo Dhami Adeegyadeeda isticmaasho, Cabashadeeduna badantahay iyo Shaqaaleheedii oo ka Arradan Adeegyadeedii, Waxa meesha ka muuqan kara Ma Waraabin karo Cid kale ninka Dameerkiisu Haraadanyahay .
La Soco Xoggaha Dhabta ah Shaqaalaha iyo Caddaymo horleh oo Daaha ka rogi doona Gabaad-fallo Dahsoon oo Maamulka Cusubi ku Dhalan rogay Hab-dhaqankii lagu yaqaanay telesom.
Gabiley News Desk
Hargeysa Office
contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment