05 June, 2012

Nuxurkii iyo duurxulkii shirkii jaraa'id ee Rayaale maanta ku qabtay Hargeysa


Nuxurkii iyo duurxulkii shirkii jaraa'id ee Rayaale maanta ku qabtay Hargeysa


Hargysa,-Gudoomiyaha xisbiga Udub daahir Rayaale oo mudo afkiisa ka xidhay khilaaf ba'an oo masuuliyiinta xisbigiisa dhexyaaley,laba garabna u kala fadhiisiyey ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa shaaciyey in khilaafkii xisbiga gudihiisu dhamaadey,muranadii jirayna cadaaladu soo afjartay islamarkaana aanu jirin musharax madaxweyne xisbi ee ay la mid yihiin ururada siyaasada taas darteedna ay musharax yeelan karaan oo keliya haday ka mid noqdaan sadexda xisbi ee ka gudba ama ku guulaysta doorashada dawladaha hoose taasina waxay meesha ka saraysa musharaxnimadii lagu muransanaa ee Cali Warancade iyo Jamaal Cali Xuseen.

Rayaale wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu shirkiisa jaraa'id u qabtay tahay inuu fariin gaadhsiiyo taageerayaasha bahweynta Udub ee ku kala filiqsan gobolada Somaliland,caalamka iyo iyo guud ahaan shacabka, waxna ka yidhaahdo murano iyo hadalo warbaahinta la geliyey oo aanu wax jawaab ka bixin afkana ka dabooshay!.

Rayaale wuxuu ka hadlay taariikhdii xisbiga Udub oo uu xusay in Cigaal seeska u dhigay, isna fuliyey wixii uu ina Cigaal aaminsanaa oo ahaa in habka beelaha laga guuro oo nidaamka dimoqratiyada loo guuro, tiina inuu fuliyay ayuu sheegay, doorashooyinkiina u hirgaleen .

Rayaale wuxuu kaloo xusay inuu dalka ku soo guryo noqday UDUB oo kala qeybsan,iskuna deyay inuu mideeyo,wuxuu kaloo xusay in ku xigeenkiisu (Axmed Yusuf Yassin) u gudbiyey liisas gole dhexe iyo gudi fulineed gudiga diiwaangelinta isagoo gudoomiyihii xisbiga ah oo alka jooga oo aanu kala tashan amaba talada waxba ka siin,wuxuu kaloo intaas raaciyey inuu gudoomiye xigeenkiisa ka codsaday bal inay isla eegaan liisku gudbinaayo si ay isula saxaan balse wuxuu sheegay inuu ka diiday.

Rayaale wuxuu sheegay inay saaxiibkii Axmed taladiisa iyo soo jeediniisii u cuntami weyday liiskiina uu sidaa ugu gudbiyey gudiga diiwaangelinta ururada balse wuxuu yidhi "gudiga ayaa ii soo qoray warqad inaan ka jawaabo, waxaan anigu sheegay hadii uu idiin soo gudbiyey liiska intii aan maqnaa isagaa xaq u leh ee aqbala balse hadduu idiin soo gudbiyey intaan joogey dalka anigaa gudoomiyihii xisbiga Udub ah oo xaq u leh inaan idiin soo gudbiyo ee xeerka xisbiga eega, waxaana lagu yidhi saaxiibkay Axmed soo gudbinta xaq uma lihid gudoomiyihii oo jooga". wuxuu rayaale kaloo sheegay in dacawadii ku xigeenkiisu u gudbiyey maxakamada la diiday ,jawaab celintiisiina la aqbalay wuxuuna sheegay in khilaafkii halkaas ku dhamaadey, wax kaloo laga sii dhex raadinaayana meesha oolin.

Rayaale wuxuu sheegay in rag qaar lahaayeen laba la kala xukumay,wuxuu sheegay in maxakamada qoraalkeedu miduun ahaa ee aaney jirin laba la kala xukumay wuxuuna sheegay inay jirto warqad uu hawlaha xisbiga ku soo wakiishey ku xigeenkiisa balse wuxuu sheegay inaanay sideedii loo fulin oo lagu daray waxaan jirn ama warqada ku cadayn wuxuuna yidhi "warqadaas waxaa waxba kama jiraan ka dhigay markuu Axmed Yuusuf Yassin xeerkii wax ka bedelay musharax aan meesha oolina keenay"!.

Rayaale wuxuu carabka ku adkeeyay in fariinta uu u gudbinaayo bahweynta Udub tahay khilaafkii wuu dhamaadey,xisbigu wuu hawlgelayaa,aniga iyo ku xigeenkayga iyo xubnaha kaleba waxaan leeyahay xisbigu sharci buu leeyahay kaasaa la raacaya oo lagu shaqeynayaa,bahweynta Udubna meel kastay joogaan waxaan leeyahay khilaafkii sharci buu ku afjarmay.

Guntii iyo gebagebadii wuxuu Rayaale ug baaqey taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga Udub in khilaafkii xisbiga dhexyaaley dhamaadey maadaba maxakamadi ka garnaqdey,dhinaca kalena wuxuuu Rayaale ka codsaday dadweynaha reer Somaliland inay xisbigooda Udub ugu codeeyaan taariikhdii hore iyo ta uu hadda dalka ku leeyahay islamarkaana dimoqraatiyada iyo maamul fidintu suurtogeliyey ku abaalmariyaan,wuxuuna yidhi "xisbigii dimoqraatiyada bilaabay ee hirgeliyey ee maamul fidinta dalka ka sameeyay wuxuu umada Somaliland ku leeyahay hiil, hiilkana umadeey waanu idinka sugeynaa mustaqbalka.

Dhinaca kale Rayaale mar uu ka hadlaayey musharaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga Udub wuxuu sheegay Rayaale in xisbiyadii qarnka laga dhigay ama la xuquuq noqdeen ururada siyaasada taas darteed uu ka hadlaayo ama ka hadli doono musharaxnimada madaxweynenimo haddey u soo gudbaan xisbinimo balse hadda aanu jirin wax musharax madaxweyne ahi.

Isku soo wada duuboo inkastoo xubno miisaan culus ku leh xisbiga Udub iyo hal doorkii bahweynta Uduba Rayaale dhabarkiisa iyo garbahiisa dhinac dhoobnaayeen haddana waxaa meesha ka maqnaa gudoomiye ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno ay talo wadaag ahaayeen oo beryahan danbe ku




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: