17 June, 2012

Imisa tikniko ayaa ciidamada Somaliland ku soo qabsadeen weerarkii saaka ee Tukaraq?


Imisa tikniko ayaa ciidamada Somaliland ku soo qabsadeen weerarkii saaka ee Tukaraq?


Burco,-Warar xogogaala oo naga soo gaadhey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sool oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay iyo sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka ee Sool ayaa noo xaqiiyjiyey in ciidamada qaranka ee saaka ku ruqaansadey degaanka Tukaraq soo qabasadeen laba baabuur oo tikniko ah oo ay ka yaaceen maleeshiyaadkii Khaatumo State ka dib markii weerar kedis ah lagu eekeeyay agagaarka goobaha fadhiyeen.

Dhinaca kale wasiirka gaashanadhiga Somaliland Cadami oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa goor danbe xaqiijiyey in ciidamada qaranka ee saaka weeraray tuulada Tukaraq soo korodhsadeen laba tikniko ah ka dib markii maleeshiyaadkii watey ee Khaatumo state la baacsadey oo cagaha wax ka dayeen balse weli wasiirku muu sheegin khasaare kale oo labada dhinac u kala hoyday.



No comments: