Golaha Odayaasha Oo Siyaasada Khaarajiga Iyo Gudaha Xukuumada Ku Tilmaamay Mid Jahawareersan
Golaha Odayaasha Oo Siyaasada Khaarajiga Iyo Gudaha Xukuumada Ku Tilmaamay Mid Jahawareersan, Sheegayna In Xaalada Garsoorka Dalku Marayo Meeshii Ugu Xumayd
Hargeysa,(Haatuf)-Golaha Odayaasha Somaliland ayaa siyaasada arrimaha gudaha iyo khaarajiga dalku marxalada uu marayo ku tilmaamay mid goldaloolooyin badani ka muuqdaan oo jahawareersan, waxaanay tilmaameen in hay'adaha Sirdoonka iyo amniga u xilsaarani ay noqdeen kuwo ka gaabiyay xaaladaha amaan daro ee dalka ka dhacaya, iyagoo intaa ku daray in garsoorka dalku marayo meeshii ugu liidatay 21kii sano ee ka soo wareegay xilligii lagu dhawaaqay madaxbanaanida qaranimada Somaliland.
Golaha guurtida oo fadhigoodii shalay ku gudo galay doodo xasaasiya oo ka dhiibtay qodobka 2aad ee xaalada siyaasada arrimaha gudaha iyo khaarajiga oo ka mid ah ajandaha kalfadhiga 47aad.
Fadhiga shalay oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, oo ay madashaasi doodahooga ka dhiibteen lix mudane, ayaa waxa ka mid ahaa Md Sahal Iidle Dirir oo ka mid ah mudanayaasha ka dooday madasha fadhigaasi, ayaa isaguna ku dooday, isla markaana si weyn u dhaliilay xil gudashada hay'adaha Sirdoonka oo uu sheegay in tayadiisu hoosayso, waxaanu yidhi "Sirdoonkia Somaliland wali tayadiisa waxqabad halkii loo baahnaa muu gaadhin waxbaa ka dhiman , dawladuhuna waxay ku go'aam qaataan xogaha ay usoo gudbiyaan Sirdoonku markaa waxaa muhiim ah in kor lo qaado tayada Sirdoonka, xaalada siyaasada arrimaha dibadana anago ah guddigii arrimaha dibada e golaha waaxaanu kala soconaa habayaraatee ma jirto, wax hawla oo guddiyada golaheenu qabtaana ma jirto, guddida joogtada oo kaliya ayaa inaga shaqaysa"
Axmed Muuse Obsiiye, waxaanu yidhi "Qabyaaladii baa soo noolaatay oo waxaynu maraynaa in beelihii ay warbaahinta iskaga jawaabayaan, dalkeenu maalin uu ka liito Sirdoonku maanta hore inoomay soo marin, lixda gobo lee dalka hadaad tagto ma arkaysid xafiis kaliya oo Sirdoonku leeyahay oo ka furan moo shaqaynaya, deegaanada qaarkoodna maba tagaan, horta waa su'aale Xamar iyo Hargeysa goormaa laysku daray,siyaasiyiintoodii baa dalka yimid oo dhaawacoodii baa la keenay. Maalin ajaanibka dalka soo galeetiga ku ahi uu ka badan yahay majirto, cadaalada dalku heerkay marayso maanta oo xukuumada Siilaanyo dalka hogaaminayso ayay ug liidataa, cadaalada laysku toogto oo la cambaareeyo maanta ayaa inoogu horaysa, wax wada shaqayna oo inaga dhaxaysa xukuumadana ma jirto. Siyaasada khaarajigu way jahawarersan tahay, siyaasadeenii hore ee arrimaha dibada iyada caalamku uu inagu qiimayn jiray, siyaasadeenan maanta ee hayeda fududina halkay inag gaadhsiisay waynu aragnaa oo waatan aynu maalin kasta la hadlayno Habar kasta oo reer koonfureeda, iyadoo aanay jirin dawlad Soomaaliyeed oo dadkaasi ay isku raacsan yihiin, anigu waxaan odhan lahaa saddex aynu kala dayno isma qabtane, somaaliya maanta inaanu la hadalo waanu diidanahay, baritana waanu diidanahay, saadanbena waanu diidi doonaa"
Md Dheeg Maxamed Yaasiiin oo isaguna doodiisa ka dhiibtay ayaa si weyn ugu dhaliilay madaxdhaqameedyada beelaha inay ka gaabiyeen hawlahoodii "Horta xukuumada ina raacin karta Somalia oo Xamar ina gayn kartaa ma jirto ninka ka qaybgala shirk u lidiya qaranimadeenuna dalka ma soo gali karo, arrinkana labada gole ayaa ku shaqo leh oo awood u leh, xukuumadu waxay fulisaax xeerarka iyo go'aanada ka soo baxa golayaasha, nabadgalyadana berigii hore waxaa ka shaqayn jiray xoojinteeda shacbiga, madaxdhaqmeedyada beeluhuna arrimaha amaan daro way ka wada hadli jireen oo niuka wax dila iyagaa soo qaban jiray, maantase iyagaa madaxdhqameedyadii iyo odayaashii baa dhalinyaradii kicinaya oo guubaaninaya, waxaan leeyahay madaxdhameedyadu haka daayaan kicinta shacbiga, ninkii wax xidhi jiray hadduu isagu xadhiga goosto xagay nabadgalyadu ku jiraysaa'
Md Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan,waxa uu yidhi "Xaalada nabadgalyada dalku ay marayso goldaloolooyin badan iyo dhaliilo ayaa ku gadaaman, ciidamada Bilayska ee gobollada Awdal iyo Selel gaar ahaan xeebta galbeedka ka hawlgala dayac badan ayaa ka jirta oo gaadiid ay ku sugaan amaanka ma laha, taliyaha qaybta Bilayska gobolka Selel malaha gaadhi uuku kormeero deegaanada xeebta, waxaa la sheegay in madaxdhaqmeedyo loo diray xaaladaha amaan daro ee ka taagan deegaanada Buuhoodle waana xilkii golaheenu u xilsaarnaa hawlaha nabadayntu inmaguna wax aynu ka ognahay ma jirto, siyaasada khaarajiga jahawareer badan ayaa ku jira, waxaa loo baahanyahay in golayaasheenu ay ka tashadaan siyaasadan khaarajiga ee xukuumadu kalideedla baxsanayso"
Md Caydiid Maxamed Cabdi ayaa isaguna ku dooday "Waxaa la marayaa in dhul warshado laga dhisi lahaa oo dan guud ah la diidanyahay oo horumarkii la hor taagan yahay, waa in la kala daayo dharaartiina waan dhalaalaa habeenkiina waan hilaacaa"
Md Cabdiraxmaan Qawdhan ayaa isaguna ku dooday "Nabadgalyadi dalku waxay soo yeelanaysaa daldaloolooyin farabadan, Soomaaliyadan la leeyahay halala hadlana waa in golaheena guurtidu doorkiisa ka qaato siyaasada arrimaha dibada"
Haatuf
No comments:
Post a Comment