19 June, 2012

Cismaan Waxar Oo Shaaciyey Inuu U Taagan Yahay Doorashada Golaha Deegaanka

Cismaan Waxar Oo Shaaciyey Inuu U Taagan Yahay Doorashada Golaha Deegaanka

Hargeysa, June 19, 2012 (Haatuf) - Xibiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa xaflad balaadhan ku soo dhaweeyey murashxaha Cismaan Xassan Faarax [Waxar] oo beeshiisu u soo sharaxataya inuu uga qaybgalo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Xisbiga Kulmiye.
Munaasibadda soo dhaweynta xisbigu ku qaabilayey Musharaxnimada Cismaan Waxar waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 500 oo qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee taageerayaasha Xisbiga Kumliye gaar ahaan ardaaga uu ka soo jeedo ee soo shaeaxaday.
Salaadiinta,jiif caaqilada,aqoonyahanka,dhalinyarada,dumarka iyo odayaasha xaafadaha waqiiyiga iyo galbeedka Hargeysa ayaan u kala hadhin soo dhaweyn iyo damaan shaadka Cismaan Waxar,dadkii xafladdaasi ka hadlay waxaa kamiid ahaa Gudoomiyaha gobalka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Khadar Xuseen waxaanu sheegay inay ku faraxan yihiin isla markaana soo dhawaynayaan musharaxnimada Cismaan Waxar.
"sida uu Saalax sheegay beesha Buraaqo iyo dadkale oo farabadan oo madashan fadhiya waanu soo dhaweynaynaa Cismaan Waxar hawshuna wali kow ma joogto oo geedigu wuu dheeryahay waana inaad sidaa isula socotaan waanan isku dambynaa" ayuu yidhi Mr Khadar.
Waxaa iyana halkaasi ka hadashay gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Mawro Xusni waxaanay sheegtay inay ka dumar ahaan soo dhaweynayaan isla markaana codkooda ku hubsan doonaan musharaxnimada Cismaan Waxar "waanu naqaanaa Cismaan Waxar waanan soo dhawynaynaa"ayey "tidhi.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Suldaan Xuseen oo kamida salaadiinta reer Hatgeysa waxaanu halkaa salaam jidbaysan uga gudbiyey Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo guud ahaan taageerayaasha Xisbiga kulmiye waxaanu sheegay musharaxa Cismaan Waxar in uu yahay nin caan ah oo aad looga yaqaano isla markaana kamid ahaa raggii faro ku tirsika ahaa ee beeshiisa ee isu soo sharaxay jagadaasi balse ay beeshu isaga soo caleemo saartay.
Suldaan Ibraahin oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan musharaxnimada Cismaan Xasan Faarax iyo taariikhdiisa Schoolkiisii hoose ilaa heer Jaamacadeed waxaanu intaa ku daray inuu 25 sano ka soo shaqaynayey isla markaana la soo shaqeeyey 15 Maayar oo uu hadda ugu dambeeyey Maayarka Hargeysa Eng Jiciir.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Cali Cabdi Odawaa oo horey  u soo ahaanjiray agaasimihii wasaaradda waxbarashada ee Dwladdii Daahir Riyaale Kaahin waxaanu sheegay inay ka reer ahaan isla qaateen inay soo sharaxaan Cismaan Waxar "dunidu waxay iibisaa khibradda waxaanan ognahay inuu Cismaan khibrad balaadhan u leeyahay arrimaha deegaanka iyo bilicda magaaladeena" ayuu yidhi Mr Odawaa.
"Hadaanu deegaanka la hormarin dalku ma hormarikaro Cismaana waxaanu rajaynaynaa inaanu ilaa kursiga sare la daba socondoono taageeradayada hadii aanu nahay bahweynta beesha Buraaqo" ayuu yidhi Mr Odawaa.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Sahal oo kamid ahaa Ciyaartoygii gobaladii Waqiiye isla  markaana ay Waraxar isku ciidanka ahaayeen waxaanu sheegay inay ka sport ahaan taageerayaan isla markaana soo dhaweynayaan Cismaan Waxar "annabu manihin beesha Buraaqo balse waxaanu nahay taageerayaashiisa xagga ciyaaraha" ayuu yidhi Mr Sahal.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Maxamuud Jaamac [wadka] waxaanu sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay musharaxa Cismaan Waxar isla markaana uu soo dhaweynayo "saaxiib Cismaanow soo dhawo oo kal iyo lab ku soo dhawow ayaan ku leeyahay" ayuu yidhi Maxamuud Jaamac [wadka]
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay xilibnaanka beesha Buraaqada Axmed Cali Shabeel waxaanu sheegay inay baylah badani ka jirto caasimadda Hargeysa isla markaana aanay lahayn meelay dadku qaashinka ku shubaan "laamiyada iyo guryaha hortoodaa qashinka lagu shubaa oo waad ogtihiin in la mari kari la'yahay waddooyinkeenii oo ay ciidii fadhiisatay" ayuu yidhi Mr Shabeel.
"Aniga oo ku hadlay magaca beesha Buraaqo u soo dhaweynayaa bahweynta Buraaqo sidii lagu yiqiinay muujiyey taageeradooda" ayuu yidhi Mr Shabeel, dhanka kalana waxa uu sheegay inay baahida beesha Buraaqo ee Cismaan warax soo sharaxatay hamigoodu  intaa ka waynyahay "mudane gudoomiye taageeradii aanu siinay xisbiga Kulmiye waxbadani nagagama soo noqon waxaanay beeshu sugaysaa wixii Xisbiga nagaga maqnaa" ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Xildhibaan Shabeel.
Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay musharaxa Cismaan Waxar waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta qiimaha badan ee ay ku qaabileen taageerayaasha Xisbiga Kulmiye isla markaana waxa uu xusay in uu rajaynayo inuu qabto waxa ay dadku uga fadhigaan haddii uu ilaahay madashaasi loo socodo ku guuleeyo "walaalayaal waxaan idiinka mahad celilayaa sida qiimaha badan ee aad iisoo dhaweyseen waxaanan idinka codsanayaa inaad ii ducaysaan" ayuu yidhi Mr Waxar.

No comments: