“Dumarkii oo hurda oo aan Xijaab iyo asturaad wadan ayay albaabadii nagu wada jabiyeen” hodan Aw libaax Daawo Sawiradda-Gabileynews.com
Hargeysa (GNS) - Ciidamadda La-dagaalanka Argagixisada ee RRU iyo SPU –da ayaa Habeen hore saqdii dhexe Udaatay Guriga Xasan Aw Libaax oo ka soo horjeeda Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Xaafadda Ganad, waxaanay kala baxeen sadex qof, halka ay Jajabiyeen Agab Badan oo Gurigaasi yaalay.
Saddexda qof ee la kaxaystay waxay kala yihiin Nin Injineer ah oo Asalkiisu yahay Kiiniyaati oo la yidhaahdo Tiom, Nin Waardiye ka ah Gurigaas oo Asalkiisu yahay Oromo lana yidhaahdo Yaxye iyo Nin reer Somaliland ah oo qurbajoog ah oo la yidhaahdo Idiris.
Abaaro kowdii habeenimo ayay Ciidamaddu galeen gurigaasi waxaanay fitir-faatir u qaadeen wixii Agab ahaa ee Gurigaasi yaalay, iyagoo Dumarkii iyo Carruurtii qol inta ay isugu geeyeen Albaabadii kale jajabiyay, isla markaana baadhay meel kasta oo guriga iyo agagaarkiisa ah.
Xubnaha qoyska guriga la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay ula dhaqmeen si arxandaro, Khadra Cabdi Xirsi oo ka mida, dadka ku nool gurigaas ayaa warbaahinta u sheegtay in askartu ay argagax geliyeen haweenka iyo carruurtii ku noolayd aqalka ,kuwaas oo illaa hadda jahawareer ka qaaday baadhitaankii xalay.
“Xalay illaa 2-dii habeenimo ayaa na loo soo daatay, markaan maqlay Waash-maankii ayay ku dageen ,iyaga oo gacmaha ka xidhaya ayaan arkay, gurigu waa Fooq dusha ayaan ka qayliyay saldhiga booliska Koodbuur ayaa naga soo horjeeda, waxa aan ku idhi waar noo soo carara Tuug ayaa na heshaye, Tuug ayaa idin heshay ayaan islahaa, ismaan lahayn waa askar , askartii waa nagu qos-qosleen, markii ay guriga soo galaan waa na soo wada saareen aniga iyo laba hablood oo kale , Waash-maankii iyo laba wiil oo kale, gurigii waa rigaaxeen sariirihii waa ay jajabiyeen , kabadhadii waa ay jajabiyeen,muraayadihii waa ay jajabiyeen” ayay tidhi Khadra.
Hodan Xasan Aw Libaax oo ah haweenayd iska leh aqalka la Ciidamadu udaateen ayaa sheegtay in ay aan fahmi Karin sababta loo adeegsaday awooda noocan ah.
“Dumarkii oo aad garanysaan qof hurda oo sariitooda dhex jiifa oo aan Xijaab iyo asturaad wadan ayay albaabadii nagu wada jabiyeen , waxa aan caqli gal ahayn in dadkii waxaa sameeyay sababtii ay noo baadheen aanay noo sheegin , maxay naga rabaan illa hadda ma garanayno , saddex inan ayaa naga xidhan anagu baadhitaan maanaan diidan hadday nagu garaaceen albaabada cidna ma diideen” ayay Hodan Xasan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa Sheegay in aanu ka Warhaynin Arintaasi isaga oo ka Gaabsaday inuu Wax faahfaahin ah ka Bixiyo Dhacdadaasi.
Hore waxa ay Ciidamadda la dagaalanka Argagixisadu sidan oo kale u galalafeen goor saq dhexe ah Guriga Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Aadan isagoo wakhtigaasi ka dalbaday Xukuumadda inay talaabadaasi ka bixiso garawshiiyo balse marnaba kamay soo bixin wax raaligelin ahi
Gabiley News desk
contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment