13 June, 2012

BAAQ KA YIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA


The Office of Somaliland Presidential Advisor on:
 Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo

002522 409 64 21

BAAQ KA YIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA
Axmed Xasan Carwo

GARSOORKU WAA WADNAHA DALKA EE HA LA ILAALIYO.
Waxaan canbaareynayaa falka foosha xun ee lagu dhaawacay garsoorka dalka. Ma aha mid keli ku kooban xaakimka gardarada loo weeraray Xaakim Duraan, wallow dhibtu gaar ugu dhacday isaga iyo qoyskiisa, Waa mid nabar toos ah oo halis ah lala beegsaday garsoorka dalka oo ah wadnaha qarannimo ee ummad kastaa u ilaaliso sida wadnaha loo ilaaliyo.
Garsoorka waxa loo sameeyey inuu ka garnaqo falal dambiyeedka maalin walba dalka ka dhaca. Waxa uu leeyahay hab iyo dariiq loo maro cidda wax ka tirsanaysaa. Waa jaranjaro midba mid u gudbinaayo oon marna loo baahnayn in garsoore loo arko cadow la ugaadhsado. Waxay tahay arrin bilow ah oo halis ah. Sinnaba uma aha caqli gal in ciddii ku qanci weyda garnaqsigu ay iyadu gacmaha ka hadasho. Waxa yaala nidaamka racfaanka oo cidda aan ku qancin xukunka u furan, soconaysana ilaa Maxkamadda Sare, kolkaas waxa xaraan ah oo reeban in sinnaba xaakim maxkamadeed lagu wax yeeleeyo hawsha uu qaranka u hayo. Haddii xukaamtu cabsi gasho waxa la waayi cid dambiilayaasha xukunta, waxa meesha ka bixi nabadda, waxa heli fursad qaswadayaasha, waxaana dalku gali fawdo iyo meel xun oo cadowgeenu inala rabo.  
Waxa waajib ah inaynu dhacdadaas dhan uga soo wado jeedno ooynu canbaareyno kana caawino xukuumadda sidii loo heli lahaa dambiilayaaha falkan ku geestay.
Waxaa iyana habboon inaan la reereynin oon warxun-sheegu iyo balaayo-beerku ka faa’ideysan xumanta qof iyo kooxi leedahay in la beeleeyo oon la dhaafin cidday ku koobantay. Ma garanayno dambiilayaasha, waxa se inagu waajib ah inaynu dhammaan ka hawl galno sidii loo soo qaban lahaa cid kasta ooy yihiin, mid gudo jooga iyo dabadjoogba.
Ma laha sabab si kale loo maareeyo, xumaanta ay geysteen waa mid lid ku ah nabadgelyada guud ahaan, si gaar ahna nabar xun u geesatay qarannimada dalka. Waa mid inooga baahan dhammaan inaynu noqono baadhayaal ooynu ugaadhsano cid kasta oo dhaawacaysa midnimadeena, wadajirkeena, iyo qarannimadeena.   
Waxa iyana waajib ah in la ixtiraamo hay’adaha amaanka, oo loo arko in askartu tahay, kuwa ilaalinaaya nabadda, kuwo u soo jeeda habeenkii, qarafaha iyo duurka ku noolaada iyagoo ka durugsan ehelkooda. Iyana waxa la gudboon dulqaad, iyo dhab adeeg ay ku hantaan waajibaadkooda qaran. Wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshadu waa badbaadada bulshada, kala-xidhiidh-furkooduna waa mid horseedi karta qas iyo qalalaase.  Aan ixtiraamno cidda naftooda u hurtay daafaca iyo ilalinta qarannimada dalkeena.


Aan noqono ummad aan kala aar goosan, is cafida, isu caqli celisa, ninka qaldan wax u sheegta, hadduu joogsan waayana gacanta qabta oo sharciga mariya. Yaan qalad qalad lagu sixin, ee caqligu ha taliyo. Wax walbana ha laga hormariyo nabadda guud, wadajirka iyo midnimada bulshoweynta.


Alle hayna garansiiyo cadaaladda iyo macaanka nabaddu leedahay. Alle haynagu toosiyo dariiqa xaqqa ah iyo tubta toosan. Amiin

Ahmed Hassan Arwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: