10 May, 2012

Xukuumadda Kulmiye oo sanadkii labaad keeni kari la’ Xisaab xidhadii Miisaaniyaddihii 2010-2011-kii

Xukuumadda Kulmiye oo sanadkii labaad keeni kari la' Xisaab xidhadii Miisaaniyaddihii 2010-2011-kii

Hargeysa(waaheen)-Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah dhaqaale yahan weyn oo la filayay inuu iska basrin doono halka ay ku baxaan dhaqaalaha Dalka soo gala si ay Xukuumaddiisu uga fogaato tuhun Musuq maasuq ayaa sanadkii labaad keeni kari la' Xisaab xidhadii Miisaaniyadihii 2010-2011-kii.

Qodobka 55aad ee Dastuurka Somaliland ayaa qeexaya qaabka, Cida iyo Masuuliyadda Golaha Wakiiladda ee Xisaab Xidh sanadeed kasta, sida ku cad faqradihiisa 6-7aad ee isla qodobkaasi oo u dhigan sidan:-

6. Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan.

7. U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hantidhawraha Guud.

Iyadoo uu Dastuurku sidaa cad u qeexayo ayaan hadana Xukuumadda talada haysay labadii sanadood ee u danbeeyay aan laga haynin wax Xisaab xidh ah ama sabab kale oo lagu qanco inkasta oo aanay jirin wado kale oo looga Leexdaa in la horkeeno Golaha Wakiiladda mooyaane.

Mid ka mid ah Xisaab Xidhada laga doonayo  oo ah kii 2010-kii oo ah sanadkii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegay bishii July ayuu Hanti dhawraha Guud mar u keenay Golaha Wakiiladda Xisaab xidh uu soo sameeyay sanadkaas oo ay labadii xukuumadood ee Xilka la kala wareegay midba badh isticmaalay Miisaayadaas hase yeeshee  khilaaf xisaab xidhkaas laftiisa dhex maray Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Xaashi iyo Hanti-dhawraha guud awgeed ayay Golaha Wakiiladdu dib ugu soo celiyeen Xukuumadda si ay ugu soo Heshiiyaan, taasoo aanay Xukuumaddu  aanay ilaa hada celinin.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xidhitaankii Kal-fadhiga Golaha Wakiiladda ee fasaxiisii lagu jiro Xukuumadda ku Eedeeyay inay Dib ugala dhacday keenista Miisaaniyadaha wakhtigoodii isagoo sheegay inay ahayd in ay keento dabayaaqada sanad kasta iyadoo isla maalintaasi Golaha Wakiiladdu uu Ansixiyay Misaaniyad Sanadeedka 2012-ka ee imika la Isticmaalayo.

Si kasta ha ahaatee dibu-dhaca Xisaab Xidhada Miisaaniyadaha ayaa waxay muujinayaan in aanay Xukuumaddu xil ba iska saarin keenidooda,  Golaha Wakiiladda oo ay ahayd inay culays ku saaraan arrintan Xukuumadduna ilaa hada wax talaabo ah kamay qaadin.





Waaheen

No comments: