Wasiir maagis iyo hatigaad isagu daray ururada xukumadda Siilaanyo sida badheedhka u reebtay
Hargysa,-Wasiirka wasaarada kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jamac Cusmaan Geeljire ayaa dhawaan maruu hadal ka jeediyey baroordiiq loo sameeyey tobanguuradii ka soo wareegtay geeridii madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa si badheedh ah u weeraray ururadii siyaasadda ee xukumada Siilaanyo reebtay oo qaarkood hogaamiyayaashooda isku jifo hoose ka soo jeedaan.Wasiir Geeljire wuxuu kaloo dhex cararey khilaaf muddo huursanaa oo xisbiga Udub ka dhex dilaacay,garabyona u kala qeybiyey.
Wasiir Geeljire oo had iyo jeer ku badan mikirifoonada iyo shaashada TV-yada,waqti iyo dedaal badana geliya sidii uu uga hadli lahaa munaasibad walba oo lagu qabto Hotelada Hargeysa ama beel ha soo abaabusho ama xisbi ama xukumadibe ayaa beryahan danbe ku darsadey farsamo cusub oo ah inuu maalin walba cid caayo ama maago sidii berigii hore ee uu mucaardidka ahaa dhaqanka u ahaan jirtay,ku darsoo weliba waxa intaas u dheer hanjabaad digaag.
Wasiir Geeljire ayaa mar uu ka h adlaayey xafladii baroordiiqdii tobanguuradii marxuum Cigaal wuxuu si ba'an u weeraray ururada siyaasada ee xukumada Siilaanyo reebtay islamarkaana qancin kari weyday wuxuuna wasiir Geeljire sheegay inay ka waantoobaan afxumada iyo hanjabada ay caadaysteen ee warbaahinta la hor tuban yihiin waxaana ka mid ahaa hadalkiisa" Ururada hadhay waxaan leeyahay way dhaaftay waqtigii aynu isu hanjabi jiray ee dawlada loo hanjabi jiray ee daaya oo joojiya afxumada,laaqiga iyo hanjabaada,dawlad baanu nahay shacabkuna dawlada inuu u hanjabo ma aha, markaa hooy nin walowba(horjoogayaasha ururada) waajibkaaga garo".
Dhinaca kale wasiir Geeljire ayaa hadal siyaasadeed oo munaasibaadaa uu joogey iyo afka xukumada Siilaanyo ee uu metelaayey midna ku haboonayn ku soo dhex tuuray khilaafka huursan ee beryahanba ka dhex oognaa hogaanka xisbiga UDUB,khilaafkaas oo galay maxakamadaha iyo gudiyada doorashooyinka iyo kuwa diiwaangelintaba xukumada Siilaanyana meel uga banaaneyn inay soo dhexg asho.Wuxuuna Geeljire yidhi "Waxay UDUB isku haysaa mabda maha,xisbinimo maha waxaan u malaynayaa in laysku hayo kursiga musharaxnimada oo aan iminka lahayn,mana filaayo buu yidhi in xisbigu Gurmad debeda uga baahan yahay".

Qarannews
No comments:
Post a Comment